Xidhiidhka Caqliga Iyo Dooda!

0
444

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal inaad fikrada la falanqaynayo ka hadasho, haku fakirin dad ama ashkhaas gaar ah inaad ka doodo. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, doodaasi jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn.

Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya kolka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxay taagan tahay kolka aad dad ceebahooda iyo boogahood aad faraha la gasho.

Waayo qofka ku nuux nuuxsada ka doodista goldaloolada dadka badbaadadiisu way yar tahay, arimihiisuna way kala daataan; xaasidkiisuna wuu bataa maxaa yeelay qof kasta waxa uu leeyahay ceebo aan isaga u muuqan.

Sidaa darteed, arintaa ku baraarugsanow oo adigu isku mashquul ka hor inta aanad cidkale kale dul onkodin. Ka mid ahaw kuwa caqliga badan, ee afgaabnida ku hanta haybada goobta ay joogaan, ka mid ahaw kuwa caqliga badan oo ashkhaas haka doodine, afkaar ka dood.

Leave a Reply