Roobkii Gu’ga oo ka curtay Gobolka Gabiley iyo Deegaano hoos yimaadda.

0
445

Gabiley (Dawan) – Roobkii guga ayaa ka curtay gobolka Gabiley iyo deegaano hoos yimaadda.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye ayaa sheegay in deegaanada Roobku Gu’gu uu ka curtay ay ka mid yihiin Wajaale, Allay badey, Diirato magaalo Damal, Geedka Maxamed Cali iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas.

Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye guddoomiyaha gobolka Gabiley wuxuu sheegay in roobabkaasi ahaayeen kuwo lagu qabawsaday isla markaana aanay gaysanin wax khasaare ah.

Leave a Reply