Bulshada Gobolka Maroodi-Jeex oo Loo Digay

0
430

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi Jeex Khadar Baaruud ayaa bulshada uga digay in ay ka ag dhawaadan goobaha biyo mareenada iyo dooxyada madaama la filaayo in roobab waaweyni ka da’aan gobolka Maroodi’jeex sida ay sheegayso waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

 

 

 

Gudoomiye ku xigeenka oo waraysi gaar ah siinaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  ayaa tilmaamay in guud ahaan xaaladda nabad’geliyo ee gobolka Maroodi jeex gaar ahaan caasimaddu ay fiican tahay, isagoo sheegay in guddiyada kala duwan ee amniga ee xaafadaha Hargeysa iyo degmooyinka gobolka Maroodi jeex ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga gobolka.

 

 

Khadar Baaruud ayaa farriin adag u diray darawalada gaadiidka kala duwan ee iskaga goosha gudaha Somaliland oo ugu baaqay inay taxadaraan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda waddo marista dalka si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha shilalka.

 

Leave a Reply