Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland Oo Madaxweynaha JSL Ku Bogaadiyay Cafiskii Uu U Fidiyay Maxaabiistii Ku Xukunayd Dambiyada Fudud

0
416

Hargeysa (Dawan) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, soona gaadhay wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan:-

Komishanka Xuquuqal linsaanka Qaranka Somaliland wuxuu soo dhawaynayaa wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Bibi Cabdi ee ku taariikhaysnayd 13/04/2021 ee uu cafiska guud ugu fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukunnaa ee ku jiray xabsiyada dalka.

Go’aankil uu qaatay ee ahaa inuu bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed cafis Madaxweyne u fidiyo maxaablista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu ahayd 484 maxbuus taas oo qayb ballaadhan ka qaadan doonta xakamaynta fiditaanka xanuunka covid-19 ee maxaabista ku jirta xabsiyada.

Sido kale wuxuu madaxweynaha JSL cafis u fidiyay sannadkii 2020 maxaabiis tiradoodu dhantahay 939 maxbuus oo door muhiim ah ka qaadatay fududaynta tirada maxaabista ku jirta xabsiyada dalka iyo ka hortaggii lala galay xanuunkii Covid 19.

Waxa kale oo bogaadin mudan talaabada lagu talaalay maxaabista iyo ciidamada ku sugan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa annaga oo rajaynayna in la gaadhsilyo dhammaan xabsiyada dalka.

Leave a Reply