Xukuumadda oo Raashin Gaadhsiinaysa Gobollada Dalka Bishan Ramadaan

0
422

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada, Mustafe Cali Bile ayaa shaaca ka qaaday in ay shan kun oo qoys oo gobollada dalka ku kala nool ay siin doonaan raashin inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay, madal qoysas danyar ah loogu qaybinayay raashin, kaas oo ay iska kaashadeen wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hay’adda kheyriga ah ee Al-huda.

Masuul ka mida hay’adda kheyriga ah ee Al-huda ayaa sheegay in raashinkani yahay mid dhammeystiran oo ay ugu tallo galeen in ay ku soomaan dadkaasi danyarta ahi bisha barakaysan ee Ramadaan.

Liibaan Cali Aadan oo ka mida dadkii danyarta ahaa ee loo qaybiyay raashinkaasi ayaa uga mahad celiyay wasaaradda iyo hay’adda labadaba.

 

Wasiirka wasaaradda shaqada oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan maanta (shalay) ku qabinayna goobtan aan taaganahay raashin loogu talo galay  240 qoys, raashinkaasi oo ah mid dhammeystiran kana kooban sideed nooc.Waxaa halkan ku qaybinaya oo iska kaashaday wasaaradda shaqogelinta iyo arrimaha bulshada, iyo hay’adda Kheyriga ah ee Alhuda, barnaamijkani lixda gobol ee dalka waanu ka qaybin doonaa, waxaana la siinaya shan kun iyo sideed boqol oo qoys, oo marka ashkhaas loo rogo soddon kun iyo dheeraad noqoneysa”

 

Leave a Reply