Shirkadda SOMPOWER oo bulshada ugu baaqday inay ka taxadiraan waxyeellada Korantada Xilliga Roobka

0
998

“Dadweynaha waxaanu kula talinaynaa inay ka durkaan biraha laydhka iyo meelaha ay ku taagan yihiin xilliga roobka…”Gudd. Shirkadda Sompower Cabdilaahi Beershiya

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Shirkadda Adeegga Korantada bixisa ee SOMPOWER Cabdilaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya), ayaa Macaamiisha Shirkaddaasi iyo guud ahaan bulshada Somaliland u diray farriin ku saabsan ka taxadirka dabka ka dhasha Korantada xilliyada roobka iyo guryaha dhexdooda, isagoo ku adkeeyey inay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka la xidhiidha badbaada dabka iyo bad-qabka agabka lagu isticmaalo korantada ee guryaha yaalla.

Cabdilaahi Beershiya oo Salaasadii Maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xarunta guud ee Shirkadda ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in inta badan dabka ka dhasha Laydhka ay sabab u yihiin dabeylaha waaweyn ee xilliga Roobka oo dhaawac u gestay Biraha iyo Xadhkaha dabka Xambaaraha iyo ciladaha farsamo ee ka dhasha guryaha dhexdooda.

Guddoomiye Cabdilaahi Beershiya waxa uu dadweynaha u soo jeediyey inay ka digtoonaadaan wakhtiga roobka iyo mar kastaba ku dhawaanshiyaha biraha xadhka laydhka lagu xidho “Marka roobku da’ayo waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu dadweynaha kula talinayno meelaha aanu ka shaqayno iyo guud ahaan muwaadiniintu waxa weeye inay dadku ka durkaan meelaha biruhu ku taagan yihiin.

Waxyaabaha kale ee yimaada waxa kamida dabeyllo xoogan ayuu marmar roobku yeeshaa dabadeedna qofku wuxuu is yidhaahdaa Iftiinka Laydhka iska sii wado, taasina waxay keentaa haddii guriga waxyeello gaadho oo ay dabeshu jiingada ka qaado, Jiingadaasi waxay ku dhacaysaa biraha iyo Xadhkaha, xadhku marka ay daadtaana qofkii isagoon arkayn ayuu ku joogsanayaa, markaa waxyaabahaasi oo dhami dhibaato ayey keenaa, inuu qofku ka taxadiro ayaa loo baahan yahay”ayuu yidhi Guddomiyaha Shirkadda ugu weyn ee bixisa adeegga Korantada Jamhuuriyadda Somaliland.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu bulshada kala dardaarmay inay qalabka Korantada lagu isticmaalo si nidaamsan isaga basriyaan.
“Dadweynaha waxaanu kula talinaynaa inay ka durkaan biraha laydhka iyo meelaha ay ku taagan yihiin xilliga roobka iyo inay qalabka guryaha lagu isticmaalo sida dab-qaybisada iyo wixii lamida inay ka ilaaliyaan waxyaabaha Shoodhka ka dhalin kara oo ay Qoyaanka Biyuhu kamid yihiin”ayuu raaciyey Guddoomiyaha Shirkadda Sompower Cabdilaahi Beershiya.

Guddoomiyaha Shirkadda Sompower waxa uu sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii ay dib u habayn ugu samayn lahaayeen guud ahaan nidaamka adeeg-bixinta Korantada, isla markaana meesha uga saari lahaayeen xadhkaha halista keena ee magaalooyinka dhexdooda sudhan, isagoo xusay inay arrintaasi si tartiib tartiib ah wax uga bedelayaan.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu bulshada u soo jeediyey in haddii ay la kulmaan cilado dhanka adeegga Korantada ah deg deg ula xidhiidhaan Telefoonka caawimada macaamiisha ee Shirkadda, kaasoo uu sheegay in marka ay dadweynuhu la soo xidhiidhaan si deg deg wax looga qabanayo cabashada ay soo gudbiyaan amma haddii ay jirto xaalad dab oo dhibaato keeni karta.

Shirkadda Sompower oo ay ku midoobeen tobaanaan Shirkadood oo Korantada bixiya, ayaa ah tan ugu balaadhan ee guud ahaan Goboladda Somaliland bixisa adeegga Korantada.

Leave a Reply