Xadiiska Ramadaanka

0
1304

Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal (Rc) waxa laga weriyay inuu yidhi :” Waxaan ku idhi Rasuulka Allah (scw), Ii sheeg camal janada igeliya Naartana iga fogeeya. Waxaana uu yidhi :” Waxaad I weydiisay arrin culus, waana fudud yahay qofkii Allah u fududeeyo. Allah keligii caabud oo cid kale halawadaajin cibaadada, tuko salaadda, bixi sekeda, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo. Maraasi ayuu yidhi :” Soo kumaan tusin albaabada khayrka. Soonku waa gaashan, Sadaqadu waxay demise dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan  iyo salaadda saqda dhexe loo kaco”  Tarmadi xadiiska, Kiitaabka khulaasatu Xukum Muxadas Bogga 2616. Waana xadiis Xasan, oo Albaani Soo saaray.

 

 

 

Leave a Reply