Xafiiska Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Somaliland ee gobolka Buuhoodle oo xadhigga laga jaray

0
480

Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ee Gobolka Buuhoodle Maxamuud Xuseen Jibriil ayaa Xadhiga ka jaray Xafiiska Wasaaradda Horumarinta Beeraha Ee Gobolka Buuhodle, ka dib markii ay wasaarada beeraha ay ku samaysay dibu habayn iyo Qalabayn Casriya.

Xafladda xadhig ka jarka xafiiska waxaa ka soo qayb galay Beerlayda Gobolka Buuhoodle Siyaasiinta Gobolka iyo isuduwahayaasha Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Arimaha Bulshada ,Gaadiidka iyo Caafimadka.

Waxaana ugu horayn ka hadlay munaasbadii xaflada xadhig ka jarka Moyarkii Hore ee Buuhodle Cismaan Yuusuf oo isaga muddo aad u dheer illaa soo hayey, waxaanu si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta Wasaarada beeraha oo uu ugu horreeyo wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha isaga oo ku amaanay inay ku dhiiradeen mantra furitaanka xafiiska isuduwaha ee gobolka Buuhodle

Sidoo kale Waxaa ka goobta ka.hadlay saleebaan dheere oo ku hadlay afka Beeralayda Gobolka Wuxuu cadeeyay inay tani qayb ka tahay balanqaadkii madaxwaynaha ee ahaa inuu dhiiri galinayo Waxsoosaarka dalka .

Sidoo kale waxaa ka hadlay Isuduwayaasha Wasaaradaha oo si weyn ugu mahad celiyay madaxda wasaaradda Beeraha waxaana ay isuduwaha Gobolka ku amaaneen Shaqada wacan ee uu wakhti geliyey iyo sida uu wasaaradii u dhaqaajiyey faraceeda gobolka Buuhoodle.

Ugu.danbayntii waxaa Soo gunaanaday Isuduwaha Beeraha Gobolka Buuhodle Maxamuud xuseen jibriil

Waxaana umahad celiyay Dhamaan kasoo qayb galayaasha xaflada, waxa kale oo uu isuduwuhu si mug leh ugu mahad celiyay Wasiirka wasaaradda beeraha ahmed Muumin seed iyo Agaasimaha Guud Rooble abdi Muuse iyo dhamaan Madax kale ee Wasaaradda

Waxaana uu ugu baaqay beeralayda Gobolka buuhoodle In ay laga Bilbao maanta xafiskii Wasaaradda Beeraha Ee Heer gobol uu uga furan yahay Buuhlodle si maalin le ahna ugu shaqayn doono

Waxa kale oo uu u cadeeyay inay markasta keensan karaan Cabashadooda iyo wixii adeeg baahiyeed ah oo ay rabaan.

Leave a Reply