Buuhoodle: Cuqaal iyo Waxgarad ku baaqay in Guddoomiyaha Golaha loo doorto Xildhibaan Faratoon

0
498

Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda Deegaamada Gobolka Buuhoodle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Qorulugud, ayaa taageeray Murrashaxnimada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.waxaanay dhinaca kale xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif kula taliyeen in uu ka tanasulo xilkaasi.

Kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa waxa hirdan ugu jira Xildhibaan Faratoon oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo Xisbiga WADDANI ah.

Cuqaasha iyo Waayeelka Buuhoodle ee ka hadlay tartanka labada xildhibaan, ayaa sheegay in mudane Faratoon kaga waayo-arragnimo iyo aqoon badan yahay xilkaasi xildhibaanka kale, sidaasi darteed loo baahan yahay in Golaha wakiilladu doortaan.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa xilal kala duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddihii somaliland soo maray, isagoo markii u dambeysay ahaa Wasiirka arrimaha dibada oo uu muddo saddex sannadood gaadhaysa hayey.

Leave a Reply