Saaxil: Xog Ururin laga Sameynayo Degaanada Barriga

0
452

Berbera (Dawan) Wefdi ballaadhan oo ay hoggaminayaan maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa socdaal dheer oo xog ururin ah ku maraya deegaannada bari ee gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, maayarka degmada Berbera iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Berbera ayaa safar ku gaalaa bixinaya deegaannada bari ee gobolka Saaxil, halkaas oo ay sheegeen inay ugu kuurgalayaan xaaladda dad iyo duunyo ee deegaankaasi.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaannadaasi ayaa xog waran ka siiyay xaaladda dhulkaasi, waxaana ay sheegeen in adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada oo ah aasaaska nolosha bulshada ay intuba aad u hooseeyaan deegaannadaasi, iyagoo ugu baaqay maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera inay wax ka qabtaan baahiyaha aasaasiga ee xannaannada hooyada iyo dhallaanka, iyo dugsiyada ay ardayda deegaankaasi wax ku bartaan oo ay sheegeen in dhismo ahaan iyo qalab ahaanba aanu hadda ugu diyaarsanayn.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Bebera oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sida ugu dhakhsiiyaha badan ay wax uga qaban doonaan cabashooyinka ay soo jeediyeen dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay marayeen. Waxaana ay intaas ku dareen inay qiimayn doonaan baahiyaha aasaasiga ah ee ay qabaan dadkaasi.

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, maayir ku xigeenka degmada Berbera Nuur Cadde iyo maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ballanqaaday inay si deg deg ah ay uga jawaabi doonaan baahiyaha ay qabaan dadka ku nool deegannadaasi ay soo mareen, waxaana ay tilmaameen inay qaadi doonaan cabashooyinka ay dadku soo jeediyeen oo ay horgeyn doonaan golaha deegaanka ee degmada Berbera.

Dhanka kale, waxay sheegeen inay mudnaanta siin doonaan sida ay u kala muhiimsan yihiin cabashooyinka ay muujiyeen dadka deegaanku, oo ay tilmaameen in biyaha oo nolosha dadka ah ay mudnaanta koobaad siin doonaan.

Gebogebadii guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi oo isna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in maamul ahaan ay wixii kaga aaddan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay sheegeen dadka deegaanku ay ka qaban doonaan, waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool jiidahaasi ay marayeen inay ilaaliyaan deegaanka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii aan loo jari lahayn dhirta qoyan ee deegaannadaasi.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas raaciyay inay kusoo arkeen deeganaadaasi kala duwan ee ay soo mareen dhir la garaacay iyo dhuxul la shidayo, isagoo xusay inay gacan bir ah ay ku qabanayaan ciddii ay kusoo qabtaan iyadoo faldambiyeedkaasi faraha kula jirta. Dadka deegaankana waxa uu ku booriyay inay ka waantoobaan inay gubaan deegaankooda oo uu sheegay inay noloshoodu ku xidhan tahay.

Leave a Reply