Berbera: Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Furay Tababar Ku Saabsan Barashadda Dastuurka Somaliland

0
296

Qore: Khadar Cabdi Muuse
Berbera (Dawan): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa maanta magaaladda Berbera ka furay tababar ku saabsan barashadda dastuurka iyo shuruucda ka farcama.

Furitaanka tababarkaasi waxaa kaloo ka soo qayb galay maamulka gobolka Saaxil, iyo ka degmadda Berbera, isku-duwaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha ee gobolka Saaxil, iyo masuuliyiin kale.
Barnaamijkaasi ayaa isugu jira laba qaybood oo kala ah qaybta koowaad oo ah daahfurka barnaamijka barashadda dastuurka iyo waddaniyadda, iyo qaybta labaad oo la xidhiidha barashadda dastuurka dalka iyo shuruucda ka farcama.

Taasoo si gaara u khuseeya xildhibaanadda golaha deegaanka degmadda Berbera, iyo guddoomiyeyaasha shanta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmadda Berbera.

Qaybtaasi oo tababarkeedu uu maanta ku eg yahay, sida uu sheegay Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland oo tababarkaasi si rasmiya u furay.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay xubnaha xildhibaanadda ah ee tababarkaasi ka qayb qaadanaya in ay ka faa’iidaystaan waxyaabaha lagu barayo mudadda uu socdo tababarku oo ah hal maalin.

Gaar ahaana xeerka loo yaqaano xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka dalka ee XL. 23/2019 oo si gaara u khuseeya arrimaha dawladaha hoose ee dalka.

“Waxaan idinka rejaynayaa in aad nala dhamaysaan, oo ay daan ka caajisin, oo maanta aad nala dhamaysaan, oo aan filayo in aad fariimo badan ka faa’iidi doontaan oo aad bulshadeena ku maamuli doontaan” ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu sheegay in qaybta labaad ee tababarkaasi ee loo qabanayo guddoomiyeyaasha xaafadaha degmadda Berbera inuu isagu socon doono muddo saddex maalmood ah.

Waxaanu xildhibaanadda ku booriyay in ay kala qayb qaadan doonaan sidii degmooyinka loo gaadhsiin lahaa marka ay fahmaan xeerkaasi iyo waxyaabaha uu farayo bulshadda muwaadiniinta ah.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan idinka rejaynayaa in aad nala dhamaysaan, oo ay daan ka caajisin, oo maanta aad nala dhamaysaan, oo aan filayo in aad fariimo badan ka faa’iidi doontaan oo aad bulshadeena ku maamuli doontaan”.

Waxaanu intaas ku daray, “Guddoomiyeyaasha degmooyinka magaaladda Berbera, iyaga tababarkoodu wuu sii socon doonaa, ilaa saddex maalmood oo kale, in xildhibaanaduna kala qayb qaadan doonaan sidii degmooyinka loo gaadhsiin lahaa” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan.

Dhinaca kale, wasiirka xidhiidhka goleyaasha Somaliland waxa uu sheegay in ay sanadkan u qorshaysan tahay in ay dalka ka qabtaan 48 tababar oo ku saabsan barashadda dastuurka iyo shuruucda ka farcama.

Iyadoo tababarradaasi ay ka soo bilaabeen caasiamdda Hargaysa oo ay ka soo qabteen ilaa 8 tababar, isla markaana ku xigsiiyeen magaaladda Berbera, halka weli dalka intiisa kalena ay u dhiman tahay.

Waxaanu yidhi, “48 tababar ayaanu sanadkan qabanaynaa. Caasimadda waanu kas oo qabanay, ilaa 8 tababar. Berbera ayaanu ku xigsiinay, dalka intiisa kalena way noo hadhsan tahay”.

Leave a Reply