Olale Loogu Magac Daray “Burco Nadiif Ah” oo Beri Bulshadaasi u Dareerayso

0
904

Qore: Saciid Cagjar

 

Burco-(Dawan)-Bulshada ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa beri u dareeraysa Olale nafadeed oo iskaa wax u qabso ah kaasi oo laga fulinaayo sideed goobood oo magaalada gudaheeda ah.

 

Maamulka dawladda hoose ee degmada Burco ayaa todobaadkan ku dhawaaqay olalaha oo saaka lixdii subaxnimo magaalada ka bilaabmay kaasi oo la filaayo in lasoo afjaro lixda fiidnimo ee Caawa.

 

“goobaha laga shaqaynaayo waxa ka mid ah Ileyska Togdheer, Qunyar-dega ,Xabaalaha Xirsiga, Xero-dhiigta, Saylada Xoolaha, Kaalinta Mellateriga iyo Xaarwada. Xaafad kasta halkeeda ayey ka shaqaynaysaa” ayuu Xildhibaan Farxaan Jeesto oo ka mid ah golaha degaanka degmada.

 

Dhalinyaro is-xilqaantay ayaa magaalada ka wadda qorshe ay ku qurxinayaan jidadka oo ay marinayaa rinji, waxaanay hadda bilaabeen in ay ku daraan hawl qabad kale oo iskaa wax u qabso ah kaasi oo qayb ka ahaan doona horumarinta degmada Burco.

 

Dhallinyaradan oo amminsan in qashinku saamayn ku leeyahay guud ahaan bulshada caafimaad ahaan iyo bilic ahaanba Waxa ay billaabeen qorshe loogu samaynayo dariiqyada magaaladda agabka qashin qubka oo ka samaysan foostooyin nooca birta ah kuwaasi oo la dhigaayo jidadka.

 

Golayaasha deegaanka ee Cusub ayaa u muuqda qaar ku baraarugsan shaqada ay bulshadu u diratay, waxana bilaabay tartan u dhaxeeya magaalooyinka Burco iyo Hargeysa kaasi oo salka ku haya qurxinta iyo nadiifinta magaalooyinkaasi.

 

 

Leave a Reply