Hargeysa: Salaadiinta iyo Waxgaradka Taageeray Hawlgalada Booliska

0
416

Hargeysa-(Dawan)- Salaadiinta iyo Waxgaradka Somaliland ayaa aad u bogaadiyey shaqada Ciidanka Booliisku hayaan, uguna baaqay bulshada inay garab istaagaan isla markaana ku soo wargeliyaan kuwa khamriga iyo xashiishada iyo xumaanta bulshada ku dhex faafinaya.

Kulan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen inbadan oo ka tirsan Salaadiinta iyo Waxgaradka Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa aad u soo dhoweeyey hawlgaladii u dambeeyey ee Ciidamada Booliisku fuliyeen, kuna ku soo qabqabteen mukhaadaraadka Khamriga iyo waxyaalaha la midka ah.

 

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada ciidanka booliisku bulshada u hayaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Halkan waxa jooga Salaadiin, Ugaasyadii iyo Waxgaradkii, Ganacsatadii reer Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex, waxa kulmiyey hawshii mucjisada lahayd ee Ciidanka Booliisku JSL iyo Janankoodu ku guulaysteen, waxaanan doonayna inaan u mahadcelino, u hambalyeyno, diyaarna u nahay inaan garab-istaagno.”

 

Suldaan Ismaaciil Sh Cumar Xasan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay “Innagoo og Duruufaha dhaqaale ee dalkeena iyo xaalada ciidamadeenu, ayaa haddana waxay ciidanka booliisku ku guulaysteen iyagoo iimaankooda iyo waajibaadka saaran raacaya inay  soo qabtaan rag lacag kaash laaluush u keenay, waa wax lagu hambalyeeyo, looguna duceeyo.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

“Waxa innagu waajib ah Salaadiin, Culimadda, Ganacsatada, inaynu waxii wanaagsan is-garabtaagno oo taageerno, wax kastoo aynu ku kordhin karno ciidanka booliiska iyo ciidamada kale-na u hurno.”

Ugaas Xuseen Geele Qows oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan dad marwalba TV-yada la fadhiya cayda Ciidamada, uguna baaqay dhigiisa Salaadiinta inay u midoobaan wax ka qabashadooda, waxaanu yidhi, “Dad baa jira maalin walba TV-yada u fadhiya cayda ciidamada, innagu (Salaadiin) diyaar ma u nahay wax ka qabashadooda?

Ugaas Xuseen oo tixo abwaankii Qaasim lahaa soo xiganaya ayaa yidhi, “Qaan-qaabinmaysee askari giigsan baa wada.”Imika Askariga giigsan ayaa Ciidanka Booliiska hoggaamiya,” ayuu yidhi,  isagoo raaciyey, “Cid kastoo ka shaqeysa wanaaga diinta iyo ummada in la taageero waa waajib.

Ugaas Xuseen ayaa soo jeediyey in askartii laaluushka diiday loo geeyo Madaxweynaha JSL oo la dhiirigeliyo, waxaanu ku baaqay in dadka ciidamada sharaftooda dhaawaca meel looga soo wada jeesto.

Leave a Reply