Safiirka Ururka Midawga Yurub Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Waxbarashadda Somaliland

0
360

Hargaysa (Dawan): Safiirka ururka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo booqasho ku jooga caasimadda Hargaysa ayaa shalay kulan la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda Somaliland.

 

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda waxbarashadda Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayay labadda dhinac kaga wada hadleen arrimo khuseeya sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo balaadhinta waxbarashadda Somaliland.

 

Maadaama oo ururka Midawga Yurub uu muddo dheer dawladda Somaliland ka taageerayay arrimaha dhinaca waxbarashadda iyo sidii loo horumarin lahaa.

 

Kulankaasi uu safiirka ururka Midawga Yurub Mr. Nicolas Berlanga, uu la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda Somaliland waxaa hogaaminayay wasiirka waxbarashadda Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), agaasimaha guud ee wasaaradaasi Axmed Abokor, iyo xubno ka mida agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

 

Axmed Abokor, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa kadib markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxa uu warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ay masuuliyiinta wmasaaradda iyo wakiilka midawga Yurub ka wada hadleen.

 

Waxaanu sheegay u jeedadda kulankaasi ay ahayd in la iska xog waraysto xaaladda guud ee waxbarashadda dalku halka ay marayso.

 

“Waxaa kulan wada yeeshay, oo wasaaradda nagu soo booqday safiirka ururka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Nicolas Berlanga oo kulan la yeeshay wasiirka wasaaradda waxbarashadda, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud, iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

 

U jeedadda kulankaasi waxay ahayd, in la iska xog waraysto xaaladda waxbarasho ee dalku halka ay marayso, oo aan warbixin ka siinay” ayuu yidhi Axmed Abokor.

 

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Sidoo kale Midawga Yurub, oo ah qaadhaan bixiyaha ugu weyn ee Somaliland ka taageerra xagga waxbarashadda, in ay iyaguna warbixin naga siiyaan taageerrada ay Somaliland siinayaan, oo imika qorshihii shanta sanadood ee soo socda, ee Somaliland ee qaranka wakhtigii la diyaarinayay lagu jirro.

 

Sidii la isku waafajin lahaa, markaasi qorshaha qaranka Somaliland iyo taageerrada ay iyagu (EU) ka gaysanayaan dhinaca waxbarashadda.  Qodobadaasi oo muhiim ahaa ayaa kulankaasi lagu falan qeeyay”.

 

Geesta kale agaasime Axmed Abokor, ayaa tilmaamay in kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo fidin lahaa, loona tayayn lahaa waxbarashadda Somaliland, isla markaana loo horumarin lahaa nidaamka maamulka ee waxbarashadda Somaliland.

 

Waxaanu yidhi, “Waxaana laga wada hadlay balaadhinta iyo fidinta waxbarashadda, tayaynta waxbarashadda, iyo sidii loo xoojin lahaa maamul wanaaga waxbarashadda, ama nidaamka waxbarashadda sidii loo xoojin lahaa”.

 

Ugu danbayn, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa ururka Midawga Yurub uga mahad celiyay taageeradda ay mudadda dheer ka gaysanayeen waxbarashadda Somaliland.

 

“Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa ururka Midawga Yurub, oo muddo dheer waxbarashadda Somaliland taageerayay. Imikana diyaar u ah in ay sii wadaan taageeradaasi.

 

Safiirkuna booqashadiisa wuu ku mahadsan yahay. Si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayaanu kulankaasi ku soo dhamaaday” ayuu yidhi Axmed Abokor.

Leave a Reply