Madaxweynaha Somaliland oo la Garnaqsaday Dhigiisa Dalka Maraykanka

0
528

Qore. Saleebaan Kalshaale

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Maraykanka, gaar ahaan Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Joe Biden ku booriyey in dareen iyo arragti hufan ku eeggo isbedellada ka socda wadamada Geeska Afrika iyo caalamka iyo guulaha ay Somaliland ku naaloonayso iyo doorka ay ka qaadan karto xasiloonida mandaqada iyo adduunka.

Madaxweyne Biixi waxa uu dhigiisa Maraykanka ee xilka la wareegay horaantii sannadkan u hogga-tusaaleeyey sida aanay aqoonsi la’aanta Somaliland waxba ugu jilnayn Dawladda Maraykanka iyo saaxiibadeeda ay dan-wadaagta yihiin, isagoo far waaweyn ugu sharaxay inay Somaliland tahay mid kamida  awooddaha aan la dafiri karin ee xasiloonida geeska Afrika, isla markaana Maraykanka iyo xulafadiisa ay isku danta yihiin baahi weyn u qabaan iskaashigeeda.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay Maqaal todobaadkan lagu dabaacay Wargeyska Busweek, kaasoo ku qornaa Luuqada Ingiriisiga oo uu si qoto dheer madaxweynuhu ugaga waramay Sooyaalka taariikheed ee dhismaha Dawladdeed, Nabad-gelyo, Siyaasaddeed, Dhaqaale iyo horumarka ka socda Somaliland.

“Adduunyada maanta aan deggenayn, ma jiro Kiis diiddaya iskaashiga tooska ah ee lala yeesho Somaliland oo ah qaran istiraatiiji ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed ee Geeska Afrika oo u dabaaldegay 30 sano madax-bannaanidiisa iyo dimuqraadiyad hadda ka jirta”ayuu ku sheegay Madaxweyne Biixi qoraalkiisa.

“Somaliland waxay ku guulaysatay guullo ay gaadhi kari waayeen wadamo badan, waxayna ku guuleysatay iyada oo aan wax taageero ah ka helin wadamada deeqaha bixiya ama ururrada dhinacyada badan leh. Waxaan qabsanay doorashooyin hal qof iyo hal cod oo dimoqraadi ah. Waxaan ka horjoogsannay argagixisada dhulkayaga, budhcad-badeedda ka socota baddaha a iyo saameynta xun ee shisheeyaha ay ku yeesheen dadka kale ee gobolka. Waxaanan u dhisnay aasaaska xasillooni  dhaqaale oo kaliya horumarin doonta warshadahayaga iyo   kaabayaashayadu ay sii  ballaadhanayaan”ayuu raaciyey Madaxweynuhu.

“Soddonkii sano ee la soo dhaafey, aduunku wuxuu arkay isbedel in yar ay filanayeen 1991. Wadamo badan oo kuyaala qaarada Africa waxaa xasilooni darro ku noqday khilaafaadka gobolka, xiisadaha qowmiyadaha iyo diinta, shabakadaha argagixisada aduunka iyo xooggaga kali talisyada ah ee soo noqnoqday. Caqabadahaas waxa maanta  la kulma qaramo waaweyn iyo  kuwo yaryar.

Haddana wali dimuqraadiyadda Somaliland way sii waartay. Ka dib markii ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska 1960-kii, isla markaana u adkaysan wayday inay ka sii mid ahaato israacii burburay ee Soomaaliyadii hore ee Talyaaniga. dadkayagu waxay dib ula soo noqdeen qaranimadii Somaliland 30 sano ka hor. Tan iyo waagaas, waxaan dhisnay dawlad iyo bulsho iska caabbiday tijaabooyin kuwa kale ku adkaaday. Waxaanan muujinay in aan gaadho himiladeena dimuqraadiyadeed. Sharaf ayay ii tahay in aan noqdo madaxweynihii shanaad ee si dimuqraadi ah loogu doorto Somaliland — qayb ka mid ah guusha Somaliland waxa ka mid ah kalsoonida ka dhexeysa muwaadiniinteenna, waxaana xilka banayn doonaa markii la gaadho, maadaama madaxweynihii lixaad uu xukunka la wareegayo”ayuu mar kale ku sheegay Madaxweyne Biixi dhambaalka uu u diray Madaxweynaha Maraykanka iyo dawladdiisa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland ka caawin karto Dawladda ay xullafada yihiin xalinta dhibaatooyinka heer gobol iyo mandaqadeed, iyadoo ka faa’idaysanaysa waayo-arragnimadeeda u adkaysiga halganka lagaga gudbo caqabadaha, isagoo si gaar ah u calaamadeeyey xiisadaha iyo qulqulatooyinka gees walba ka socda gobolka, sida colaadaha Yemen iyo kuwa geeska Afrika ka aloosan, isagoo xusay inay diyaar u tahay Somaliland inay Dawladda Maraykanka kala shaqayso damintooda iyo ka hortagga halista kaga iman karta danaha labada dhinac.

“Somaliland waxay si gaar ah uga caawin kartaa dalalka kale ee dimoqraadiga ah sida Mareykanka wax ka qabashada dhibaatooyinka gobolka ka jira ee sida weyn u wiiqi kara danahooda istiraatiijiyadeed, Muranka siyaasadeed, xiisadaha qowmiyadeed iyo iska horimaadyada hubeysan ee ka socda koonfurta iyo galbeedka ee durba ka soo tallaabay xuduudaha, kuwaasoo khatar ku ah n deganaanshaha gobolka iyo nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Dhinaca woqooyi, xorriyadda marinka maraakiibta iyo marinnada milatari ee marinka Suez Canal iyo Badda Cas ee loo maro Gacanka Cadmeed iyo wixii ka sii dambeeya – oo ay isticmaalaan in ka badan 10 boqolkiiba ganacsiga adduunka maalin kasta – waxa khatar ku ah khilaafka guud ahaan Gacanka Cadan iyo joogitaanka militariga Shiinaha ee kusii kordhaya deriskayaga.

Mid kasta oo ka mid ah dhibaatooyinkan socda waxay saameeyaan danaha iyo qiyamka Maraykanka, sida lagu caddeeyay magacaabista degdegga ah ee madaxweyne Joe Biden ee laba ergey oo u khaas ah gobolkayaga. Laakiin si dhibaatooyinkaas si  wax ku ool ah wax looga qabto, Mareykanka wuxuu u baahan yahay wax ka badan ergooyinka. Waxay u baahan tahay la-hawlgalayaal lagu kalsoon yahay”ayuu tilmaamay isagoo u bidhaamiyey inay Somaliland tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo casharo badan laga bartay rubucqarni ka badan.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay qorshe kasta oo iskaashi lagaga samaynayo mustaqbalka nabad-gelyada marriinada muhiimka ah ee Badda iyo bad-qabka Beriga Gobolka, taasoo damaanad bixinaysa sugnaanshiyaha danaha laba geesoodka ah, isagoo dhinaca kalena xagga iskaashiga Siyaasadda, dimuquraadiyada iyo dhaqaalaha kula taliyey dhigiisa Maraykanka inay dawladdiisu xoojiso xidhiidhka ay kala leedahay Somaliland, waxaanu sharaxaad ka siiyey mashruuca balaadhan ee maal-gelinta balaadhinta Dekedda Berbera iyo jidka isku-xidhka Berbera iyo Wajaale ee udub-dhexaadka u ah dhaqaajinta Kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Itoobiya, Somaliland iyo wadamada kale ee Gobolka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Biixi waxa uu ka dalbaday Madaxweynaha Maraykanka in la tix-geliyo hannaanka dawladnimo, Dimuquraadiyaddeed iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena la xoojiyo gaashaan-buurta taageerayaasha dimuquraadiyada, waxaanu ugu baaqay Washington in la maseeyo Kiiska Somaliland iyo kan Somaliland.

“Muddo tobanaan sano ah, Mareykanku wuxuu ilaalinayay wadahadal toos ah iyo xidhiidh adag oo lala yeesho Taiwan, oo ah shuraako kale oo dimoqraadi ah oo ku taal gobol istiraatiijiyad muhiim ah leh-Fursad Taiwan la mid ah ayey Maraykanka ka sugeysaa Somaliland oo 30-kii Sannadood ee madaxbanaanid ay haysteen dadkeedu  muujiyey awooda dimowraadiyaddooda”ayuu ku soo gebagabeeyey Madaxweynuhu dhambaalka uu baahiyey Wargeyska Bussinesweek.

 

Leave a Reply