Markab Dekedda Berbera kala noqday badeecaddii uu siday oo Marsadii uu ka soo qaaday ku celiyey

0
483

Berbera-(Dawan)-Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo muddo ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogin, una jihaystay dalka Imaaraadka Carabta oo uu markii hore ka yimi.

Markabkan oo magaciisa lagu sheegay Sea Trader, ayaa sida la sheegay lagu war helay innuu ka goostay soonaha Dekedda,kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Xaqlaha Markabka iyo Wakiilkii ka soo raray Dubai, taasoo kaliftay sida la sheegay inuu Markabkaasi dhaqaajiyo, iyadoo saaka uun lagu war helay markii la gaadhay fursadii uu ku soo xidhan lahaa inuu ka baxay khadka Soonaha Dekedda.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Berbera iyo Shirkaddaha uu u rarnaa Markabku gaar ahaan Xafiiska Wakiilka u ahaa Ganacsadaha uu u rarnaa Markabku, hase yeeshee Afhayeen u hadlay Dallada SOFA oo ay ku bahoobeen Wakiillada Shirkaddaha Dhoofka iyo soo dejinta Badeecadaha ee Somaliland, ayaa sheegay in Markabkaasi ilaa maanta la la’aa oo mar qudha uun la waayey , balse caawa la ogaaday inuu ku xidhay Dekeddii markii hore laga soo raray oo la yidhaahdo Xamriya Port oo ku taalla dalka Imaaraadka.

“Markabkaas oo Dubai uu ka soo rartay nin reer Somaliland oo la yidhaahdo Jaamac Cabdi Haybe oo degan Dubai, berberana ay uga Wakiil ahayd Shirkada Yassin Shipping ayaa hada uu Xaqiijiyey maamulaha yassin shipping (siciid maacaleeh) inuu saaka sii socday Magaalada Fujeera oo ka mida UAE, caawana uu kuba xidhay Dekedda xamriya Port. noqoshada markabka ayaa loo aanaynaya khilaaf ka dhashay baaqi ugu hadhsaanaa Noolkii rarka Wakiilka Dubai oo u shubi waayey, iyadoo ay is af-dhaafeen Xaqlaha Markabka iyo Wakiilkii Dubai.

Markabka ayaa intii aanu goosan ka hor oo ku beegnayd markuu khilaafku balaadhay la sheegay in uu Dekeda ka fogaaday oo meel yara fog u baroosinka dhigtay, isagoo markii dambena halkaa kasii dhaqaaqay, isla markaana bakhtiistay qalabkii Isgaadhsiinta (IMS) ee lagu ogaan karayey halkuu ku sugan yahay”ayuu  sheegay Afhayeenka Dallada SOFA Cabdilaahi Maxamuud Cawad.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray ” Markabka intii hore waxa loo sheegay inuu xilliga Kaalkiisu soo galayo uu sugo iyadoo Dekedana cidhiidhi badani ka jiro Moosinka Xajka ee dhoofka xoolaha nool awgeed. hase yeeshee markii ay saaka soo dhawaatay soo xidhistiisu ee uu wakiilkiisu tegay Dekeda ayaa loo sheegay inaanu markabkaasi hawada dekeda ku jirin ee uu ka baxay”

Markabkan ayaa siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka, arrintani timi iyadoo Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo.

Leave a Reply