WAALID-Haddaydaan u soo sheegin Ciidanka Booliiska Khamri-Xashiishka aragtaan, caruurtiina u halis ah.

0
754

Qore: Maxamuud Walaaleye

Diinta Islaamku waa nasteexo- waxay u tahay madaxda, shicibka, raga, dumarka iyo dhamaan qeybaha bulshada islaamka, dhamaantood waxa looga baahan yahay inuu qof walba walaalkiisa kale ee Islaamka u nasteexeeyo, waxii wanaaga ahna isu kaashadaan, xumaantana meel uga soo wada jeestaan suulinteeda.

Walaalayaal, sidaad la wada socotaan shalay waxuu ciidanka Booliiska Somaliland Ilaahay SW mahadiisa, gacanta ku soo dhigeen khamri lagu soo qariyey jawaanada Jaadka, taasoo ah hanaan cusub oo dadka xumaanta ka shaqeeya isku deyeen inay u soo waaridaan badeecadooda xumaanta, laakiin, nasiib wanaag ciidanka Booliiska oo kaashanaya bulshadoodu waxay baanka soo dhigeen xumaantii ay qarinayeen xumaan-wadeyaashu, waan ku hambalyeynayaa, Ilaahay SW waxaan ka baryayaa inuu ku guuleeyo dedaaladooda ka hortaga xumaan lagu faafiyo Islaamka dhexdiisa. Aamin.

Walaalayaal, Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo madaxda Ciidanka Booliiska oo ka waramay khamriga ciidanku qabtay iyo sida qolyaha  xumaan-wadeyaashu mar walba u raadinayaan tabbo cusub oo ay dalka ku soo geliyaan xumaantooda ayaa sheegay in ciidanka booliisku oo kaashanaya bulshadiisa marwalba ka horeeyaan isku-deyadooda, diyaar u yihiin inay waajibaadkooda ka gutaan cidhib-tirka dadka xumaanta wada.

Taliye Maxamed oo ka hadlayey tabaha xumaan wadeyaashu isku deyayaan inay adeegsadaan ayaa sheegay in nin gaadhi khamri saaran yahay lagu qabtay, la isku deyey in la laaluusho ciidankii qabtay oo loo keenay lacag saddex kun oo dollar, balse, labadii nin ee laaluushka wadayna ciidanku xidheen, dhamaantoodna maxkamada la horgeeyey.

Waxuu bulshada ugu baaqay inay u istaagaan la dagaalanka xumaanta iyo dadka ka shaqeeya, si aanay u burburin qiyamka iyo jiritaanka bulshadeena, waxaanu yidhi, “Waa inaynu u wada istaagna la dagaalanka kuwa xumaanta wada, isla markaana waxii khamri iyo xashiishad ee bulshadu arkaana la soo socodsiin ciidanka booliiska JSL.”

Walaalayaal, dadka xumaanta wada waa dad innagu dhexjira, hadaanay Xukuumad, ciidan, waalidiin, raga, dumarka, dhalinyaradu meel uga soo wada jeesan kan hortagooda, kuwa ay ku faafinayaan ee mustaqbalkoodu mugdiga gelayo waa caruurteena, Ilaahay SW haka badbaadiyee. Markaa hora loo yidhi daad intaanu ku soo gelin ayaa la iska moosaaye, waa inaynu xilka iyo waajibka inna saaran gudanaaa, taasoo ah waajib diini ah oo qofwalba caqli leh, maalinta aakhirana la weydiin doono.

Aabe iyo Hooyo hadaydaan u soo sheegin Ciidanka Booliiska waxii Khamri iyo Xashiish aad aragtaan, caruurtiina u halis ah.

Xadiis Nebiga NNKH ayaa macnahiisu ahaa “Qofkiina arka xumaan, gacantiisa haku suuliyo, hadaanu awoodin, carabkiisa (haka hadlo), hadaanu awoodin niyada haka naco..” walaalayaal xadiiskani waxuu qof kastoo islaamka ah farayaa inuu xumaan kasta uu arko ka falceliyo joojinteena, sidaa darteed aynu u istaagno difaacida sharafteena, diinteena, iyo dalkeena, Ilaahay SW ha innagu guuleeye, aamin.

Leave a Reply