Warbaahinta Iyo Wararka Joogtada!

0
370

Waxa la soo maray seben warka iyo helidiisu ay aad u adkayd, sababtuna waa qalabka isgaadhisiinta ee dunida casrigan la isticmaalo oo aan wakhtigaasi  jirin. Bishii April 18, sanadkii 1930 waxa ay ahayd maalinta keliya ee taariikhada Idaacadda BBC  ay baahisay in aanay maalintaasi haba yaraate aanay war hayn. Weriyaha Idaacadda hagayay maalintaasi ayaa ka hor muusiga dhegaystayaasha ku war geliyay weedhahan : “ Maanta wax war ah idiinma hayno” “There is no news today,”.  Ka dib waxay idaacaddu bilwoday inay miisi is daba joog ah sii dayso..

Sababta warka loo waayay ma ahayn weriyayaasha oo diidan inay tebiyaan iyo shaqo joojin dhacday, laakiin waxa ay ahayd iyagoon maalintaasi helin war ay tebiyaan. Maalintaasi oo laga joogo 91 sano, waxa ay aad u kala fog yihiin maanta oo saacad kasta oo ka mid ah  24 saac baahisa war cusub iyadoo 30 daqiiqo gudahoodna tebisa qodobada warka oo kooban.

 

 

Leave a Reply