Ficilada Qofku Kama Turjumaysa Fikirkaaga!

0
391

Tareenka uu raacay  tafatiraha  lagu magacaabo Alex Steinman  oo ah tafatire bulshada usoo gudbiya madadaalooyinka waxa dhiniciisa fadhiday gabadh akhrisanaysay faalooyinka (Comment) Facebook  loo soo dhigay oo ay ku soo daabacatay 15 warqadood.

Tafatire Alex sawir ayuu ka qaaday waxaana uu soo dhigay barta Tutarka si dadku faallo uga bixiyaan isagoo u sheegay inay akhriyayso faallooyinka Fcbook la soo dhigo, (Comments) oo ay soo daabacatay.

Dadka intooda badan waxay la yaabeen gabadha soo daabacatay Comment-ka aanay qaarkood macno weynba lahayn ee wakhtiga iskaga luminaysa akhriskooda, waxa ay badankood ku soo jawaabeen waa qof waalan.

Laakiin nasiib wanaag iyada oo sawirkaasi iyo faaloyinkaasi aragtay isla markaana akhriday ayaa usoo jawaabtay  waxaana ay tidhi: “ Maya. Ma waali , waxaan ku jira tababar akhriska , si aan kor ugu qaado aqoonta akhriskayga oo aan ugu dhiirado inaan buugaag iyo macluumaad badan akhriyi karo”.

Qof dadaal ku jira ayaa laga yaabaa in aad u aragto qof waalan oo khalad ku jira oo aan waxba la socon.  Ficilada qofku kama turjumayaan fikirkaaga iyo maskaxdaada waxa ka guuxaya. (eonline.com)

 

Leave a Reply