Berbera: 13 Meheradood oo ku shuf-beelay dab ka kacay Suuq

0
680

Qore. Saleeban Kalshaale
Berbera(Dawan)-in ka badan 13 meheradood oo Ganacsi yar yari ka furnaa, ayaa ku shuf-beelay oo gubtay Magaalada Berbera gelinkii hore ee Axadda maanta, kaddib markii uu qabsaday dab ka kacay suuq ku yaalla Magaaladaasi.
Dabka ayaa si deg deg ah isaga gudbay dukaamo, Makhaayado shaah iyo goobo kale oo ganacsi isku dhadhawaa, ka hor intaanay bakhtiinin Ciidanka Dab-damiska oo si dhakhso ah gurmad ugu soo gaadhay meesha uu dabku ka kacay.
Suuqa dabku ka kacay oo la yidhaahdo Suuq-gidaare, ayaa meherada ku gubtay u badnaayeen Cooshadaha ka samaysan waxyaabaha dabku sida fudud ugu gudbo, iyadoo ay dabeysha xooggan ee xilligan ka dhacaysa dhulka xeebuhuna sii xoojisay baaxadda dabka.
Ma jiro wax khasaare nafadeed ah oo ka dhashay dabkaasi, hase yeeshee sida ay sheegen masuuliyiinta Dawladda iyo goob-joogeyaal waxa gabi ahaanba ku gubtay wixii hanti dhex taallay meheradahaasi.
Lama waxa uu ka dhashay dabku, hase ahaatee qof goob-jooge ahaa ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka bilaabmay meherad Banjare ah oo suuqaas ku taallay “waxaan arkay qiiq ka baxaya banjarlaha, dabadeedna waxaan ku qayliyey dadkii meesha joogay, sidii ayaanu dabkii ku sii waynaaday”sidaasi waxa sheegay haweenay sheegtay inay goob-jooge ahayd oo aanay magaceeda soo tebin warbaahintu.
Hase yeeshee saraakiisha Ciidanka amaanka oo qayb ka ahaa gurmadka bakhtiinta dabka ayaa sheegay inay baadhayaan waxa dhaliyey dabkaasi. saraakiisha dab-damiska ee hawlgalka hogaaminayey ayaa dhankooda tilmaamay inuu dabku aad u weynaa, kuna guulaysteen sidii ay uga xakameyn lahaayeen inuu ku sii fido dhismeyaasha waaweyn iyo goobaha kale ee suuqaas.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi, ayaa dadka khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaasi ee ay hantidu kaga gubatay ka tacsiyeeyey, waxaanu xaqiijiyey in 13 meheradood ku gubteen dabkaasi.
“13 Meheradood oo isugu jira Makhaayado,Kolayo Jaad iyo banjarleyaal ay lahaayeen dad jilicsan oo aan ka taag lahayn ayaa runtii halkan ku gubtay. waxaan bulshada reer Berbera ku adkaynayaa xilligan waa wakhti dabeylo badani dhacayaan oo uu dabku si fudud u kici karo”ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey “markaa waxaan u jeedinayaa inay sameeyaan taxadir dheeraad ah”
Dabeysha xooggan ee xilliga xagaaga ka dhacda xeebaha ayaa sababta dab soo noqnoqda ee Magaalooyinka, waxaana dhimbiisha yar ee dab ah ee meel qabsataa ay samayn kartaa olol iyo masiibo dab oo baxaad leh.

Leave a Reply