Dharaarihii iyo Dhaxalkii Suugaaneed ee Cabdi Muxumed Ammiin..Q2-aad

0
1134

Alle ha u naxariisto’e Abwaan Cabdi Muxumed Amiin wuxuu ahaa mufakir, jilaa, fannaan iyo abwaan ku caanbaxay curinta heesaha iyo riwaayadaha waddaniyada ku salaysan. Wuxuu ku dhashay magaalada Gabiley, sannadkii 1935. Wuxuu ahaa iskoris soo harjaday oo nololshiisa soo hogaan baray.

Intiinii la socotay qormadii todobaadkii hore ee Dhaqanka iyo Suugaanta waxa aynu ku soo qaadanay taariikhdii iyo tixihii suugaaneed ee Abwaan Cabdi Muxumed Aamin oo aynu ka soo bilownay xilligii ababkiisii suugaaneed ilaa wakhti ku siman 1981-kii oo uu ku jiray marxalad kamida dharaaro kala duwan oo uu soo maray.

sidii aan qormadii Sabtidii hore ku warinay Cabdi Wuxuu laf dhuungashay ku noqday dowladihii dalka soo maray, oo mar kasta wuxuu si aan ka leexleexad laheyn uga run sheegayay xaaladdii uu dalku marayay, inkasta oo aanu sidoo kale kaga fadilnayn hal-abuurkii ay isku faca ahaayeen marba nidaamka cusub u hollan jiray, haddana marka dambe halgaadi jiray. Sababtaas ayaana xabsi loo dhigay dhowr jeer sanadihii 1964 ilaa 1989.

Haddaba markii kacdoonkii lagaga soo horjeeday nidaamkii macangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, uffadii isbedel doonkuna wajiyo cusub iyo dhaqdhaqaaq abuurtay aamin wuxuu kamid ahaa hal-abuurkii ku biiray jabhadii u horeeyey ee dalka dibadiisa laga aasaasay ee ka soo horjeestay nidaamkii Milateriga ahaa gumaadka iyo gumarrada xun ku kacay.

Maansada la magac baxday JABHADIIN waxa uu tiriyey abwaanku 1982kii xilligaas oo uu ka mid ahaa jabhaddii SSDF ee dhammaadkii sideetamaadkii burburtay. Waxa ka mid ahaa maansadaas:

 Bilawgaba siyaasaddu

Way baallo badantahay

Waana sida baddoo kale

Boolo xoofto iyo hadal

Iyo baanis joogto ah

Mar baa lagu baxnaanshaa

Midna heerka ugu ba’an

Bunduq baa la qaataa

Rasaas la isku boobaa

Dhiiggu balalax leeyaa.

Sida maansadaba ka muuqata waa markii qoriga la qaatay waa bilawgii burburkii jamhuuriyaddii soomaali ee ka koobnayd Somaliland iyo Soomaaliya. Waa markii ay u baahnayd in loo gurmado dadka iyo dalkaba. Nasiib darro taasi may dhicin ee maamulkii markaa jiray waxa uu adeegsaday xoog iyo muquunin, sidaa daraaddeed ayuu abwaanku inna tusinayaa in halganka siyaasaddu uu yahay labo. in la wada hadlo oo la doodo. Haddii taa lawaayo jidka kale ee furan inuu yahay dagaal foodda la is daro. Isagoo sii faahfaahinaya dagaalka, waxa uu lahaa:

Maydku sida baldhoolaha

Ama beer nin lihi jaray

Buur-buur u yaallaa

Inta badan xaq bili lehe

Kuwii waday balaayada

Barbar loogu tuuraa

Baashaad ka eegtaa

Batar iyo kabeebey

Beerreey ha moodine

Halgan waa bir-lab u noqo.

Hal adayga abwaanka waxa laga dheehanayaa baydka ugu danbeeya, marka uu leeyahay “Halgan waa Birlab u noqo”.

inta Suugaanta abwaanka hoyday alle ha u naxariistee  waxa aad ka dhex helaysaa markasta xaaladdii lagu jiray. Muddo markii uu ka mid ahaa jabhaddii SSDF ayaa waxa bilaabanatay saluug la saluugay maamulkii jabhadda. Waxa lagu kala aragti duwanaaday qaabkii wax loo waday. Halgankii ayaa yeeshay bilawgiiba weji qabyaaladeed. Abwaanku qabiil ahaan ugumuu jirin jabhadda ee wadaninimo ayuu ugu jiray, taasoo uu dareemay in aanay ahayn wixii ay u halgamayeen. Inkastoo aanu abwaanku faahfaahin ka bixin waxa uu sheegay in ay aad u kala aragti duwanaadeen maamulkii jabhaddii SSDF oo uu madax ka ahaa AHN Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed. Hadaba muxuu ku danbeeyey dareenkii abwaanku. Waxa ay soomaalidu tidhaahdaa: “Nin sigtay ma nabad gelin” Marxuum Cabdi Muxummad Ammiin iyo laba ka mid aha saaxiibadiisii ay aadka isugu dhowaayeen oo goob wada fadhiya ayaa la soo weeraray. Magaaladu waxa ay ahayd Diridhabe. Waxa goobta lagu dilay saaxiibaddiisii qaaliga ahaa oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caydiid, ilaahay ha u naxariistee. Abwaan Cabdi Muxumedna goobtaas waa lagu dhaawacay.

Dhacdadaas kaddib ayuu heestan  ka curiyey dareenkaas naxdinta lahaa ee la soo dersay:

Maxaan hog Abeeso galay

Maxaan halaqyo ugu tegey

Maxay miciyo i heleen

Maxaan waabay hirqaday

Maxaan geerida ka hadhay

Hobeeya hobeey hobeeya

Hobeey caashaq huursanoow wa

Hobeey hurdan taaganoow wa

Hobeey ubax ii hiraay wa

Hobeey guul aan hubooy wa

Maxaan keligay hammiyey

Kuwii hiil iigu xigay

Hareertay maxaan ka deyey

Muxuu igu dumay habeen

Maxay ilmo hibiq itidhi

Maxay talo iga hab tidhi

Maxaan hiil mooday jiin

Sidii caanaha hirqaday

Habsaamay oon hadalka gabay

U hoyday meel aanan hubin.

Leave a Reply