Xisbiga WADDANI oo soo Dhaweeyay Bayaan ka soo Baxay Beesha Caalamka

0
284

Hargeysa (Dawan) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey bayaan ka soo baxay dalalka Beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka taageeraan doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen, ayaa ugu baaqay taageerayaasha Waddani in ay u diyaar garoobaan doorashada soo socota ee 2022-ka.

“Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caalamku.

Waxaanu cadaynaynaa sida qoraalkaba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022.

Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga WADDANI inay u diyaar garoobaan doorashada.”

Leave a Reply