Maareeyaha Duulista oo ka Hadlay Go’aanka Fly Dubai ee Joojinta Duulimaadyadeeda Hargeysa

0
286

Hargeysa (Dawan) Mareeyaha Hay’adda duulista iyo Madaarada Somaliland, mudane Cumar Sayid Cabdilllaahi Aadan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkada Fly Dubai, ay go’aansatay in ay joojiso gabi ahaanba duulimaadyadeedi Hargaysa kadib markii, xukuumadda Somaliland ay ku amartay in ay yarayso duulimaadyadeeda.

Cumar Sayid oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Madaama oo Jilaal lagalay oo rakaabku hoos u dhacayo, waxaanu dib u qaabaynay duulimaadyadii, waxaanu siinay shirkada Fly Dubai laba duulimaad, sidoo kale waxaanu siinay shirkada Air Arabia laba duulimaad, Daallo na laba duulimaad, laakiin shirkada Fly Dubai ayaa nagu soo celisay in madaama aad laba duulimaad nasiiseen in aanu duulimaad yadii joojin doono, waa go’aan iyaga u gaara”

Maareeyaha ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland aanay  shirkada ka joojin duulimaad keeda marka laga reebo in ay usoo jeedisay in ay dhinto safaradeeda.

Waxaanu yidhi.”Waxan halkan ka sheegayaa in Hay’adda Madaaraha iyo Duulista Somaliland iyada oo ka wakiilada dowladda Somaliland aanay wax duulimaadyo ah ka joojin shirkada Fly Dubia, garoomada Jamhuuriyadda Somaliland waxay u furan yihiin dhamaan shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah, balse  taasi nooma diidayso in duulimaadyada qaar dib loo eego”

Dhamaan shirkada kale ee ka howlgala madaarka Cigaal ee Hargaysa ayaa aqbalay dhimista lagu sameeyay safaradooda marka laga reebo Fly Dubai sida uu maareeyuhu sheegay.

Leave a Reply