Abaal Marinta Tartanka Badbaadinta Akhriska!

0
602

Dalka Brasiil ayaa hab cusub ula dhaqama maxaabiista dalkaasi ee ku xidhan jeelasha ay dadka badan, waa nidaam xukunkooda lagu soo gaabinayo.

Nidaamkan ayaa ah akhriska buugaagta oo lagu tartamo waa habka loogu magac daray “ badbaadinta akhriska”, maxbuuska akhriya bishii hal buug waxa mudada xadhigiisa ka go’aysa 4 maalmood, sanadkiina waxa loogu talo galay inuu akhriyo 12 buug, taasi oo ka goyn doonta 48 maalmood.  Jeelashan waxa ku jira maxaabiista ugu caansan dalkaasi ee caadaysata denbiyada, kuna soo noqnoqda xabsiyada. Buugaagta loogu talo galay ayaa kala aha buugaagta suugaanta, falsafadda, buugaagta cilmiga iyo horumarka, iyo maadooyinka loo yaqaan Classic oo ah maadooyinka aqoonta Girigii hore iyo suugaanta si qofka ay isbedel ugu sameeyaan.

Maxbuusku marka uu dhameeyo buugga waxa uu samayn doona inuu si kooban u soo bandhigo qoraalka buuga isagoo aan wax isbedel ah ku samayn , isla markaana uu ilaaliyo baragaraafayada, shuruucda iyo xuduuda qoraalka, waana inuu ahaado qoraalkiisu mid la akhriyo karo.  Guudi gaar ah ayaa go’aamisa marka maxaabiistu soo gudbiso qoraalkooda , kuwa u qalma in la siiyo xadhig dhimista isla markaana qoraalkoodu uu noqdo mid gaadhay heerkii laga doonayay.

Duqa magaalada Sao Paulo Mr. Andre Kehdi oo isagu madax u ah mashruuca ku deeqidda buugaagta ayaa yidhi “ Qofku marka uu buugaagtaasi akhriyo sanad kasta , waxa uu ka baxayaa xabsiga isagoo ah qof mug leh oo aragti fogna xambaarsan, isla markaana doonaya inuu wax ka bedelo dunida iskaba dhaaf naftiisa”. Waana buugaag xul ah, oo qofka ka dhigaysa aqoon yahan fikirkii khaldanaa saxaya. Waxaana uu hadalkiisa ku soo xidhay “ Shaki la’aan jeelka waxay ka tegaya isagoo qof wanaagsan ah, oo marna aan ku fikirayn qudhunkii hore, waana isbedel dhab ah”

Leave a Reply