Mushkulad Kasta Si Fudud U Maaree!

0
624

Waa jir dad ay adag tahay inay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka xunxun ee ku ag dhow, waxay awood u leeyihiin inay xakameeyaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankoodaba.

Waxa jira dad hadaf  iyo ujeedo ka yeesha oo u diyaarsada arrin kasta oo ay ku dhaqaaqaan, Mana sameeyaan hawl aan hadaf iyo ujeedo lahayn.

Nooc dadka ka mid ahi wuxu aqbala dabeecadaha dadka kale hadii uu yahay mid dabeecad xun ama mid dabeecad wanaagsanba, dhamaantooda waa uu la dhaqmaa. Dadkan dhaqanka lihi waa dad isku kalsoon oo aan wax kasta iyagu isla jeclayn, waxaana ay u arkaan dantooda ay ka dhex arki karaan danta guud.

 

Nooc kale oo Dadka ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato dagdag, waxa dhici karta inay gacan culus iyo raajini jirto, laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, daganaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosha ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna. Waxa ay qeexaan mushkuladda, markaasi ayay soo bandhigaan hababka loo xalili karo, ka dibna habka ugu haboon ayay qaataan

Leave a Reply