Xikmadda Maanta!

0
675
  • Arrin kasta aduunyada waa loo dadaala, geerida mooyee iyadu waa dhamaadka dadaal kasta
  • Mar kasta khasab maaha inaad guulaysato laakiin waxa khasab ah inaad mar kasta ku fikirto sidii aad u guulaysan lahayd.
  • Guuldaradu maaha inaad meel sare ka soo dhacdo, laakiin waa in aad awoodi weydo inaad korto.
  • Dadku ma ilaabaan hawsha wanaagsan ee aad qabatay, mana xusuustaan wakhtiga aad ku qabatay sidaa awgeed iska dhaaf degdega oo hawl kasta oo aad qabato hagaaji.
  • Nacasnimadu waa inaad weli sii socoto wadadii guuladarada.
  • Hadyad kooban oo aad u geyso qof aan filayn ayaa ka qiimo badan mid weyn oo aad u geysay qof sii ogaa waxaad u keenayso.
  • Haddii qofku aanu lahayn mabda’ uu naftiisa u huri karo, mana laha mid uu ku noolaado.
  • Qofka dakhligiisu badan yahay kama shaqo badana, kan dakhliga yar laakiin waxay isku dhaafeen siday uga kala faa’iidaysteen maskaxdooda.
  • Saaxiibka wanaagsani waa kan ku sheegaa khaladka aad gasho, kuna saxa.
  • Badanaa inta qof la aaminay khiyaamo sameeyay, Adigu kuwa haka mid noqon.

Leave a Reply