Quruxda: Maxaa Lagu Xushay

0
391

Bisha December ee sanadkan, waxaa waddanka Nigeria ka dhici doona tartanka quruxda hablaha Afrika, waxaana la qorsheeyay gabadh Soomaaliya ku matali doonta.

Si taas waddada loogu xaadho waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan loollan quruxda ah oo u dhaxeeya gabdhaha Soomaalida ah ee daneynaya munaasabaddaas gaar ahaan inta ku dhaqan sida muuqata magaallada Muqdisho, kaasoo ay martigalisay shirkadda Quman Fashion Show.

Saddex gabdhood oo heerka ugu dambeeya ee tartanka isla soo gaadhay waxaa laga xushay Sacdiya Maxamed oo ku guuleysatay billadda quruxda Soomaaliya, waddankeedana ku matali doonta tartanka weyn ee dhacaya dabayaaqada sanadkan.

Maxaa lagu xushay gabadha ugu quruxda badan?

Mowduucan oo si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada ee Soomaalida waxaa su’aalo la iska weydiinayay qodobada la fiirinayay marka la dooranayay gabadha ugu quruxda badan.

Isla su’aashaas ayay BBC-du waydiisay Muna Maxamed Diirshe oo ka mid ahayd garsooreyaashii tartanka ee go’aaminayay qofka kaalinta koowaad la siinayo.

“Waxaan ku xulannay quruxdeeda, aqoonteeda, akhlaaqdeeda, diinteeda, dad la dhaqankeeda, dabeecaddeeda iyo wajigeeda furan, sida qosolkeeda, daymadeeda iyo naxariisteeda,” ayay tidhi Muni si guud u koobeysay waxyaabaha laga eegayay gabdhaha tartanka ka qayb galay.

“Waxyaabaha loo xushay maku jirin deegaan, maku jirin qabiil iyo dhammaan waxyaabaha ay dadka sheegaan,” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Sida ay Muni sheegtay, intaas waxaa sii dheer in gabdhaha tartamayay waxyaabaha laga eegayay ay ka mid yihiin arrimaha aad loo sheego marka laga hadlayo quruxda, sida “dhex yar, dherar iyo waji soo jiidasho leh”.

Goobta uu tartanka ka dhacay waxaa lagu casuumay rag badan halka garsooreyaashana ay ka mid ay ahaayeen niman, maadaama quruxda gabdhaha inta badan wax laga weydiiyo ragga, sida ay ku doodayeen dad badan oo qayb ka ahaa falcelinta baraha bulshada.

Muno oo taas ka hadleysay ayaa tri: “Dhowr nin ayaa ku jiray garsooreyaasha, raggii meesha fadhiyay kaliya ma ahane raggii kale ee lasoo casuumay ayaa meesha dhoobnaa, marti sharafta xitaa waxaa u badnaa rag.”

 

Leave a Reply