Maaddooyin Dabiici ah oo laga Helo Saliida Kalluunka oo la Ogaaday inay Cudurro Badan Daawo u Yihiin

0
851

Saliidda kalluunka la ogaaday inay tahay fure lagula tacaali karo, isla markaana lagula dagaallamo cudurro halis ah oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca wadnaha. Hadadba halkan idin kugu soo bandhigaynaa todoba faa’iido oo dhanka caafimaadka ah oo ay leedahay saliida kalluunku.
Waxay kor u qaada habka difaaca jirka: Saliida kalluunka ayaa la ogaaday inay la shaqayso unugyada dhiigga cad ee muhiimka u ah difaaca jidhka.
Waxay hoos u dhigtaa caabuqa: Maadada Omega-3 waxaa lagu yaqaanaa inay u wanaagsan tahay caafimaadka wadnaha, gaar ahaan waxa lala xidhiidhiyaa inay saamayn badan ku leedahay caabuqa.
Ka hor taga cudurada halista ah: Dhakhaatiirta ayaa tilmaamay in saliidda kalluunku ka hawlgasho inay dagaal adag la gasho ka hortagga cudurrada halista ah sida wadne-xannuunka, kansarka, curuuqyo xannuunka iyo asaasaqa.
Waxay ay dadka ka ilaalisaa isku buuqa amma cadhada badan: Saliida Kalluunka oo laga helo maadada Omega-3 Fatty Acids, taasoo kordhisa maadada Serotonin oo maskaxda bina’aadamka ku keenta inay degenaato markay gaadho, waxaannu noqdaa qofka maadadan ku badan tahay mid dhinaca fiican ka fikira oo farxad badan, noloshiisuna aad u degan tahay mar kasta.
Waxay hagaajisaa caafimaadka maskaxda: Maadada DHA ayaa door muhiim ah ka ciyaarta caafimaadka maskaxda. DHA hooyada ayaa u gudbisaa ilmaheeda aan weli dhalan. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in farqi weyn u dhexeeyo ilma ay dhalaan hooyooyinka isticmaala saliida Kalluunka iyo kuwa aan isticmaalin. Hooyooyinka isticmaala Saliida kalluunka ayaa la sheegay aalaaba inay dhalaan ilmo firfircoon oo maskax badan.
Waxay hoos u dhigtaa caalamadaha gabowga: Daraasad ay samaysay Jaamacada University of California, San Francisco ayaa lagu sheegay in saliida kalluunku maqaarka jidhka ka difaacda gabowga.
Waxay sahashaa dhimista cayilka ama baruurta: Cilmi baadhis ay samaysay jaamacada University of South Australia ayaa lagu ogaaday in haddii qofku uu badsado saliida kalluunka isla markaana jimicsi ku daro ay kordhayso fursadiisa ah inuu cayilka iska yareeyo.

Dhinaca kale Warbixin ay soo saareen saynisyahanno baadhitaano ku sameynayey ka hortaga cudurka waalida ama dhimirka ayaa sheegay in maado laga helo saliida Kalluunku ka hortagto cudurka dhimirka ama waalida ee afka qalaad lagu yidhaahdo psychotic disorder. .
Warbixintan oo lagu daabacay journaalka la yidhaa Archives of General Psychiatry ayaa la sheegay in lagu sameeyey baadhitaan dhalinyaro badan oo qaba cudurkan dhimirka si loo ogaado in saliida kalluunku (omega 3) wax ka tiri karto waalida iyadoo la sheegay in ka dib markii ay qaadanayeen muddo laba todobaad ah ah ay badankoodu ladnaadeen.
Horjoogaha daraasaadka lagu sameeyey waxtarka saliida kalluunka Dr. Paul Amminger oo u shaqeeya jaamacadda Medical University of Vienna ayaa sheegay inay arrintani horseedi doonto in walax dabiici ah lagu daweeyo cudurka dhimirka, ka dib baadhitaankan ay sameeyeen sida uu sheegay.
Maadada Omega-3 ayaa laga helaa cunida kalluunka kala duwan sida Yuumbiya, tuunada iyo Makarelka iyo qubada dhamaantood, iyadoo waddanka Somaliland uu ku jiro waddamada Illaahay ku maneystay waxyaabaha dabiiciga ah ee caafimaadka u fiican.

Saliidda kalluunku waxay ka kooban tahay saddex nooc oo la kala yidhaahdo. omega-3, EPA iyo  DHA, Kuwaasoo dhamaantoo laga helo waxyaabo caafimaadka muhiim ah, sida ay shaaciyeen sannadihii u dambeeyay khubarada caafimaadku.
Saliidda kalluunka ayaa bani’aadamka ka caawisa dhinacyo badan oo caafimaadka la xidhiidha. Hoos u dhigidda subagga dhiiga: Isticmaalka saliidda kalluunku waxay bani’aadamka ka caawisaa inay hoos u dhigto subaga dhiiga (blood cholesterol), taasoo heerka subagaas ka dhigta mid aan isbedbedlin. Tusaale ahaan haddii maalintii uu qofku isticmaalo saddex ilaa 6 garaam oo saliida kalluunka ah waxay ka caawin kartaa heerka subagga dhiiga oo aan keenin saamayn taban ama aan isbedbedlin.
Sidoo kale, haddii qofku bilaabo isticmaalka saliidda kalluunka, waxay qayb ka qaadataa ilaalinta miisaanka jidhka.
Caafimaadka Lafaha: Koritaanka fiican ee lafaha jidhka waxa qayb weyn ka qaadata isticmaalka saliidda kalluunka.
Daraasado laga sameeyay arrintan ayaa tilmaamay in dhismaha lafaha jidhka iyo caafimaadkoodaba ay door ku leedahay isticmaalka saliidda kalluunku.
Sida ugu wanaagsan ee ay lafuhu u koraan, waa qofka oo hela kaalshiyaam ku filan, taasoo sida khubarada daraasadda sameeyay ay ku caddeeyeen in ay saliidda kalluunku qani ku tahay kaalshiyaamta ay lafaha jidhku u baahan yihiin, si ay u helaan koriin iyo caafimaad fiican.

Leave a Reply