Tartanada Ugu Yaabka Badan Ee Caalamka!

0
611

Dalka Maraykanka waxa ka dhaca tartan kala duwan oo qaarkood ay yihiin kuwo yaab leh waxaana ka mid ah tartanka Kabaha ugu foosha xun isla markaana urtoodu ugu saamayn badan tahay. Dhaman gobolada Maraykanka ayay tartamayaashu kaga soo qayb galaan.

Tartanka waxa lagu qabtaa fagaaraha “Times Square” oo ku yaalla Newyork. Waxa kale oo yaab leh in kooxda garsoorka ay yihiin koox aad khibrad ugu leh isla markaana u sita shahaadooyin caalami oo sare, waxaana ay  ku kala saaraan urta iyo muuqaalka kabaha labadab.

Khabiirada Urta ee tartanka garsoora waxa ka mid ah Mr.George Aldrich oo takhasus sare u leh cilmiga Kimistrariga kana mid ah kooxaha hawada sare kala sheqeeya hay’adda NASA.

Mr. Rachel Hersz ayaa gudiga garsoorka u sareeya kaas oo haysta shahaadad PHD, isla markaana ah khabiir cilmi nafsiga ah iyo Uduga. Tartamaha kaalinta koowaad ku guulaysta waxa la guddoon siiyaa jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan $ 2500.  Tartankii ugu danbeeyay waxa kaalinta koowaad galay wiilka lagu magcaabo Conner oo ka socday Gobolka Alaska waxaana ka caawisay kabaha urta iyo muuqaalka xun ee uu kaga soo qayb galay tartanka Islaan eddo u ah oo ka shaqaysa beer xaywaanka lagu xanaaneeyo.

Waxa ay siisay talooyinka guusha iyadoo u sheegtay inuu sameeyo isagoo kabahaasi xidhan hawlaha kaluumaysiga taasi oo sababtay in cagahiisu ay keenaan ur aad xun oo la necbaysanayo. Waxa kale oo wiilkaasi la siiyay abaal marin ah inuu laba maalmood joogo Newyorka iyo abaal marinta kabaha dahabka ah si urtii lugihiisa aya uga ba’do oo nadaafadii cagahana ay u soo noqdaan.

Leave a Reply