Goob Dunida Ugu Halista Badan

0
410

Xuduudka u dhexeeya labada Kuuriya woqooyi iyo koonfur ayaa noqday goobta ugu khatarsan dunida.  Waa goob dagaal iyo iska hor imaad ka taagan yahay tan iyo sanadkii 1953 oo ahayd markii dagaalkii labada Kuuriya istaagay. Dagaalkaasi oo socday muddo 3 sanadood ah isla markaana ay dad aad u tiro badani ku hoobteen 1950-1953.

Xuduudkan oo dhererkiisu yahay 270 KM, waxa ku xidhan siliig laydh ah iyo miinooyin dhulka ku aasan, waxa kale oo uu leeyahay derbiyo dheer iyo godad hoos loo qoday.

Madaafiicda goobta ayaa iyana halkaasi diyaar ku ah oo sanqadh kasta iyo shaki kasta oo yimaada waxa ay halis u tahay in la rido madaafiicdaasi. Kuuriya waxa ay ahayd dal uu gumaysan jiray Japan tan iyo sanadkii 1910, laakiin markii dagaalkii labaad lagu jebiyay waxa qabsaday Ruushka iyo Maraykanka oo kala qaybsday.

Labada dawladooda Maraykanka iyo Ruushka markii ay ka bexeen sanadkii 1949,  waxa ay abuureen mushkulada hadda taagan, ka dib markii ay ka dhigeen labad dawladood oo col ah iyagoo aan isku soo celin kana dhigin dal keliya sida ay ahaayeen markii uu gumaysan jiray Japanku.

Leave a Reply