Hamtramck, Michigan: magaalo Mareykanka ku Talla oo Muslimiintu ay Maamulaan

0
427

Haddii aad ku dhex lugeyso magaalada Hamtramck ee gobolka Michigan waxaad dareemeysaa sidii inaad dalxiis ku mareyso caalamka.

Dukaan lagu iibiyo cuntada Polish-ka iyo foorno lagu sameeyo roodhida bariga Yurub ayaa ku barbar yaalla suuq lagu iibiyo alaabta oo ay leeyihiin dad reer Yemen ah iyo dukaan lagu gado dharka Bengali-ga. Gambaleelka kaniisadda ayaa ka garab dhawaaqaya aadaanka salaadda ee masaajidka Muslimiinta.

“Waa adduunyadii oo la isugu keenay labo meyl oo labo jibaar ah gudahood” – Hamtramck waxay leedahay hal ku dhigyadeeda, waxaana dhulkeeda oo baaxaddiisu dhan tahay 5 sq km lagaga hadlaa illaa 30 luuqadood oo kala duwan.

Bishan waxay magaaladan oo shacabkeedu yihiin 28,000 sameysay taariikh cusub. Dadweynaha Hamtramck waxa ay soo doorteen dowlad hoose oo xubnaheeda dhammaantood ay yihiin Muslimiin halka duqa magaaladana loo doortay nin Muslim ah. Waxay noqotay magaaladii ugu horreysay ee Mareykanka ku taalla oo abid yeelata dowlad ka kooban Muslimiinta Mareykanka.

Muslimiinta oo mar magaaladan gudaheeda ku wajahayay cunsuriyad waxay noqdeen udub dhexaadka goobtan dhaqamada kala duwan ka jiraan, haddana dadka Muslimiinta ah waxayba ka badan yihiin kala badh ka mid ah bulshada ku nool magaalada.

Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo doodo kulul oo ku saabsan kala duwanaanta dhaqanka, dadka daggan Hamtramck ee diimaha kala duwan leh waxay ku guuleysteen inay si wadajir ah u noolaadaan, iyagoo magaaladooda ka dhigay mid tusaale u noqon karta Mareykanka intiisa kale ee mustaqbalka rejaynaya in isdhexgal fiican la sameeyo.

Balse Hamtramck ma noqon doontaa meel maamulkeedu gaar yahay ama sharci u gaar ah leh?

Raadka taariikhda Hamtramck wuxuu soo billowday markii ay ahaan jirtay meesha ay soo degaan dadka ka yimaada Jarmalka, waxaanu soo socday illaa maanta oo ay noqotay magaaladii ugu horreysay Mareykanka ee ay Muslimiin maamulaan.

Dadku way la qabsadeen inay isku dhex wadaan dhaqamadooda kala duwan.

“Layaab ma laha in la arko haweeney xijaaban iyo mid goonno gaaban xidhan oo is garab socda. Waa magaaladeenna iyo shacabkeenna,” ayuu yidhi Zlatan Sadikovic, oo ah nin qaxootinnimo kaga yimi waddanka Bosnia, haddana halkaas ku leh makhaayad qaxwada lagu iibiyo.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Intii lagu guda jiray qarnigii 20-aad, waxaa magaaladan loo yaqaannay “Waarsow-da yar”, maadaama dadkii kasoo qaxay Poland ay kusoo qulqulayeen. Magaaladan waxay ka mid ahayd meelihii uu ku hakaday markii uu 1987-kii Mareykanka booqashada ku tegay baadarigii ugu weynaa masiixiyiinta ee Poland u dhashay, Pope Pope John Paul II.

Sanadkii 1970-kii, qiyaastii 90% ka mid ah dadka ku nool magaalada waxay ahaayeen kuwo asal ahaan kasoo jeeday Poland.

Hase yeeshee, isla 1970-meeyadii waxaa billowday hoos u dhicii warshadaha baabuurta soo saara ee Mareykanka, dadka dhallinyarada ah iyo kuwa maalqabeennada ah ee kasoo jeeday Poland-na waxay billaabeen inay u qaxaan tuulooyinka.

Isbeddalkaas ayaa Hamtramck ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu saboolsan gobolka Michigan, balse maciishadda raqiiska ah waxay soo jiidatay dadka soo galootiga ah ee aan dhaqaalaha heysanin.

30-kii sano ee lasoo dhaafay, Hamtramck isbedel ayay sameysay mar kale waxayna bartilmaameed u noqotay dadka carabta ah iyo kuwa reer Aasiya ee qaxootinnimada ku imaanaya Mareykanka, gaar ahaan reer Yemen iyo reer Bangladesh.

Maanta 42% ka mid ah dadka ku nool magaaladan waa kuwo ku dhashay dibedda. In ka badan kalabadh ayaa la aaminsan yahay inay yihiin Muslimiin si sax ah u cibaadeysta.

 

Dowladda cusub ee la doortay xubnaha ay ka kooban tahay waxay muujinayaan isbedelka ka socda Hamtramck. Maamulka dowladda hoose ee cusub waxaa ku jira labo qof oo Bengali-American ah, saddex Yamaniyiin-Mareykan ah iyo hal qof oo Polish-American ah oo diinta Islaamka qaatay.

Amer Ghalib oo ku guuleystay codad gaadhaya 68% waxa uu noqday Yemeni-American-kii ugu horreeyay ee duq magaalo ka noqda dalka Mareykanka.

“Waxaan dareemayaa in la i sharfay, balse waxaan ogahay inay i saaran tahay mas’uuliyad wayn,” ayuu yidhi Mr Ghalib, oo 41 jir ah.

Ninkan oo ku dhashay xaafad ku taalla Yemen, waxa uu Mareykanka tegay isagoo 17 sano jir ah. Markii ugu horreysay waxa uu ka shaqo billaabay warshad sameysa qaybaha caagga ah ee baabuurta oo ku taalla meel u dhow magaalada Hamtramck.

Markii dambe waxa uu bartay luuqadda Ingiriiska wuxuuna qaatay tababar dhanka caafimaadka ah, haddana waxa uu ahaa shaqaale caafimaad oo rasmi ah.

“Hamtramck waa meel ay si aad isugu dhow oo wadajir ugu nool yihiin kooxo dhaqamo kala duwan leh,” ayay tidhi Amanda Jaczkowski, oo ka mid ah xubnaha dowladda hoose ee lasoo doortay.

XIGASHADA SAWIRKA,

 

Amanda Jaczkowski, waxay ka mid tahay xubnaha la doortay ee dowladda hoose

Lix sano ka hor, markii ay magaalada noqotay meeshii ugu horreysay ee Mareykan ah oo dowlad Muslimiin ah laga doortay waxaa kusoo yaacay warbaahinta caalamka oo tabinayay sheekooyinka Hamtramck.

Waxaa soo baxay warar sheegayay in dowladdan hoose ee Islaamiga ah laga yaabo in ay magaalada kusoo rogi doonto shareecada Islaamka.

Waaxda tirakoobka ee Mareykanka ma uruuriso xogta ku saabsan diinta, balse xarunta cilmi baadhista ee Pew ayaa tirakoob ay sameysay 2020-kii ku sheegtay in Mareykanka ay ku nool yihiin dad gaadhaya qiyaastii 3.85 milyan oo muslimiin ah.

Tiradaas waxay noqoneysaa 1.1% oo ka mid ah shacabka guud ee Mareykanka. Marka la gaadho sanadka 2040-ka, waxaa la saadaalinayaa Islaamka inuu noqdo diinta labaad ee ugu weyn Mareykanka, marka laga tago masiixiyadda.

Inkastoo kobacaasi uu jiro haddana Muslimiinta waxaa Mareykanka looga arkaa kuwo dhibaato keenaya.

 

XIGASHADA

Hadda oo 20 sano laga joogo markii ay dhaceen weerarradii 9/11, islaam naceybka wali wuxuu daba socdaa Muslimiinta iyo Carabta kale ee ku nool Mareykanka.

Ku dhawaad kalabadh ka mid ah muslimiinta Mareykanka ah ayaa xarunta Pew u sheegay sanadkii 2016-kii in dhammaantood ay si shakhsi shakhsi ah ula kulmeen nooc cunsuriyad ah intii uu xilka madaxweynaha hayay Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanka laga mamnuuco Muslimiinta soo galootiga ah ee ka imanaya dalalka ay Muslimiintu aqlabiyadda ku yihiin.

Cilmi baadheyaasha ayaa sidoo kale ogaaday in shacabka Mareykanku ay wali fikrado xun ka aaminsan yihiin dadka Muslimiinta ah.

In ka badan kalabadh ka mid ah shacabka Mareykanku waxay sheegeen in aanay aqoonin qof Muslim ah, balse kuwa Muslimiinta bartay waxay aaminsan yihiin in Islaamku aanu ka halis badneyn diimaha kale.

Hamtramck ayaase tusaale fiican u ah sida ay isula noolaan karaan Muslimiinta iyo dadka diimaha kale heysta

 

Leave a Reply