Khibrad iyo Aqoon ayay Dad Badan ku Badbaadisay!

0
326

Mar keliya ayay rakaakbka aragagax ku dhacay rakaabkii la socday dayuurad hawada ku jirtay oo ay leedahay shirkadda Raven Alaska  ee dalka Maraykanka , ka dib markii Mas  uu ka soo baxay shandad lagu qarinayay. Maskan ayaa dhex jibaaxay rakaabka argagaxsan oo kolba dhinac u dulaamayay.

Laakiin nasiib wanaag gabadh ka mid shaqaalaha Dayuuradda ayaa si fudud uga badbaadisay rakaabka Maskana cadhaysnaa, oo aan markaasi qofna waxba yeelin. Gabadha shaqaalaha ah ayaa la sheegay inay ahayd gabadh hore loogu tababaray inay Masaska iyo abeesooyinka haddii duulimaadka dhexdiisa ay la kulanto  ay si fudud uga badbaadiso rakaabka.

Duuliyaha ayaa rakaabka u sheegay isla markiiba inay is dejiyaan hawshii Maskana ay dhamaatay lana qabtay qof  kastana uu amaan ku yahay dayuuradda dhexdeeda oo si deggean isaga fadhiisto kursigiisa. Dayuuradda ay ku degtay madaarkii ay ku jihaysnayd iyadoo nabad qabta. Waxaana ay muujisay in qof keliya oo khibrad iyo tababar haystaa uu badbaadin karo dad tiro ahaan ka badan.

 

Leave a Reply