Maxaad kala socotaa Dhibaatooyinka ay Carruurtu ka Dhaxlaan Daawashada Shaashadaha?

0
770

 

Qaybta hore ee qormada arimaha bulshada todobaadkan waxaan kaga hadlaynaa dhibaatada ba,an ee aynaan dhaadanayn ee caruurtu kala kulmaan daawashada xidhiidhka ah ee Tv-yada iyo shaashadaha moobeelada.

Badanaa waalidiinta dhib uma arkaan inay caruurta ku soo toosiyaan kuna jiifiyaan daawashada shaashadaha iyagoo iskaga aamusinaya, ama cunno ku siinaya ama guriga nadaafaddiisa ku ilaashanaya, balse ma is weydiiyaan dhibka dhaw iyo midka fog ee ay caruurtu ka dhaxli karaan arintaan?

Ugu horayn bal aynu eegno dhibaatooyinka ay kala kulmaan caruurtu

sanadaha ugu horeeyo nolosha, maskaxda caruurtu waa curdan, welina safiican uma kobcin, caruurtu waxay wax ka bartaan deegaanka ay ku nool yihiin, taasoo ka qeyb qaadata in maskaxdooda si sahlan oo da’dooda la socoto u korto,

waxana intaa sii dheer in caruurta illaa ay ka gaadhaan 2 sano in aanay a maskaxdoodu awoodin inay fahanto waxyaabaha ka muuqanaya shaashadda, sidaa darteed dhibka ugu badan wuxuu caruurtu gaadhaa 18-da bilood ee ugu horeysa noloshooda taasoo la isku waafaqsanyahay in aan wax TV ah ama shaashad aan loo shidin ama loo dhiibin caruurta.

 

Barashada Luqadda:Caruurtu waxay luqadda ka bartaan waalidka iyo dadka ay la nool yihiin, waxayna erayada ay baranayaan xidhiidh la leeyihiin ficillada ka muuqda noloshooda cusub, sidaa darteed TV-ga ama shaashadahu waxay khalkhal galiyaan maskaxda qeybta qaabilsan barashada luqadda khaasstan qeybta “expressive lanaguage” oo ah awoodda wax ku cabbiridda luqadda, waxaa caruurtaan lagu arkaa hadalka oo soo daaho, cunuga oo aan hadalka isku dhibin oo tilmaamid ku dhamaysta howlihiisa, waxaa intaa ka sii daran in luqad aan jirin inuu cunuga yeesho, khaasatan haddii luqadda uu daawanayo ay ka duwan tahay midda guriga looga hadlo, markaasne awoodi waayo in luqadda saxda ah uu carabkiisa la qabsado, waxbarashadane dib dhac uu kaga dhaco, midda kale TV-ga iyo shaashadaha wuxuu caruurta ka mashquuliyaa waalidkii iyo dadkii kale ay ku hadalka ka baran lahaayeen, midda kale da’dii la rabay inay weero ama jumlad ku dhisaan way ka dib dhacaan.

Dabci badalidda:daawashada joogtada ah waxay badashaa dabciga caruurta maadaama muuqaallada midabada kala duwan leh iyo codadka dhawaaqa kala duwan leh ee maskaxda caruurta sida tooska ah ugu dhacaysa, waxay maskaxda galiyaan xaalad buuq iyo kacsanaan joogto ah, sidaa darteed mar walba cunuga wuu kacsan yahay, dagaalkiisa iyo qayladiisa aad ayay u badan tahay, taasina waxay keeni kartaa in waalidka u maleeyo in cunugiisa uu madax adayg iyo kibir uu ka wado, kadibne canaan ama garaacis ayaa dhici karta in loogu daro dhibkii hore, weliba waxaa arintaan aad loo dareemaa markii TV-ga la damiyo ama mobeelka laga qaado, markaas wixii ag yaallo inuu kugu soo tuuro ama guriga qarribo ayay u badan tahay, diraasado dhowr ah oo arintaan laga sameeyay waxay sheegeen in caruurta maskaxdooda u dhaxayso kacsanaan (markay wax daawnayaan) iyo dhacsanaan (markii laga damiyo) ay halis ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka dhimirka ee loo yaqaano “Bipolar mood disorder”.

Xirfadda Wax Akhriska:Caruurta lagu abaabiyay daawashada TV-ga iyo shaashadaha waxay dhib kala kulmaan akhriska, iskumana dhibaan, sababtoo inay wax sawiraan ayay ka jecelyihiin wax qorista markay wax kuu sheegayaan ama wax cabbirayaan. arintaasne waxay caqabad ku tahay waxbarashada mustaqbalkooda.

Hilmaanka:Caruurtaan waxaa lagu arkaa hilmaan badan khaasatan waxyaabaha dhowdhow “short term memory loss” sababtuna waa xaaladda mashquulka ee maskaxdooda ku jirto mar walba iyagoo aan xasuusan wixii dhacay markaas, caruurta markii laga damiyo TV-ga ama laga qaado Ipad-ka maskaxdoodu way sii mashquulsanaataa, waxaana lagu fahmi karaa in dhibicda madaw ee isha ku dhex taallo inay balaarato, taasoo tilmaan u ah in maskaxda ay kacsan tahay, xilligaas cunuga ma dagano, wax looma sheegi karo, wuxuuna u dhaqmayaa sidii qof waalan oo kale.

Hurdada:Caruurtaan waxaa lagu yaqaanaa hurdo yari, sababtuna waa maskaxda oo khalkhalsan iyo markay sariirta tagaan iyagoo gala “riyo-soo-jeed” ah, dibna ugu ceshta waxii ay soo daawadeen, weliba mararka qaar iyadoo la wada jiiftay ayaad qosolka cunuga sii maqlaysaa. Hurdadu aad ayay muhiim ugu tahay korriimada caruurta, waxayna sare u qaaddaa difaaca jirkooda, marka waa muhiim in cunuga uu helo hurdo ku filan si hormoonka korriimada u qaabilsan “Growth hormone” oo badanaa xilliga hurdada howlgalo in jirka ka faa’idaysto. La soco qaybta xigta

 

Leave a Reply