Guutooyinkii Naafada Ahaa!

0
619

Maxamed Cali Baasha waxa uu ahaa taliye ciidan oo ka tirsanaa ciidamadii Cusmaaniyiinta ee ka soo jeeday Albania ee loo diray Masar si ay uga xoreeyaan gumaysigii Faransiiska ee Napoleon. Markii ay ka soo guulaysteen Faransiiska iyo hogaamiyahooda Napoleonoo ay ka bexeen Masar, Muxammad Cali waxa 1805tii loo magacaabay xaakimkii ee Masar waxana uu helay darajada Pasha, oo ah derejo sare oo ciidanka la siiyo.

Maxamad Cali Baasha waxa uu uu noqday Xaakimkii Masar ee cahdigii Cusmaaniiyiinta. Waxaana uu talada Masar hayay 1805 -1848. Sida taariikhdu sheegto waa asaasaha Masarta cusub. Mudada uu talada hayay waxa socday dagaalo gudaha iyo kuwa ay dawladihii Yurub ku soo qaadeen.

Xaakimka waxa uu kor u qaaday oo tiro iyo tayoba kordhiyay dhismaha ciidanka, beeraha iyo ganacsiga. Wakhtigaasi oo dadku may jeclayn in ay ciidanka ku biiraan maxaa yeelay dagaalada ayaa joogto ahaa., waxaana dadka qaarkood bilaabeen in indhaha mid ka mid ah  iska ridaan si aan loogu darin ciidanka, madaama shuruudaha qofka ciidanka noqonaya ay ka mid ahayd in aanu noqon naafo ah oo waaxyaha jidhkiisu kala dhiamn yihiin, sida cawaran ama gacmaha iyo lugaha naafo ka ah.

Waxaana la sheega in tirade dadka naafada cawarani ay kordhay, Laakiin sanadkii 1840 ayuu xaakimka Masar Maxamed Cali ku baraarugay in sirta ay dadku isha cawaran u leeyihiin ay tahay in aan lagu darin ciidanka, wakhtigaasi ayuu u curiyay in la sameeyo laba Guuto oo ciidanka Masar ah oo ah gaatooyinka cawaran, oo laga soo ururiyo dadka cawaran, taasi oo keenatay in dadkii cawara ay ka qayb qaataan ciidanka. Waxaana arinkaasi socday muddo 50 sanadooda in dadka cawaran lagu daro guutyinkaasi cawaran. Waxaana loo yaqaanay guutooyinka cawaran.

Leave a Reply