Hargeysa (Dawan) Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Somaliland, ayaa maanta lagu go’aamiyay in shacabka Somaliland ay saxeexaan hal-milyan oo codsi, oo aqoonsi lagaga dalbanayo Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo caalamka oo dhan.
Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo warbaahinta la wadaagay qodobbada kasoo baxay shirka, ayaa sheegay in goluhu go’aamiyay in codsi bulsho, aqoonsiga lagu baadi doono.
Waxaanu yidhi. “Golaha xukuumaddu waxa uu go’aamiyay in shacabka Somaliland ay sameeyaan arji ama codsi ay u dirayaan hay’addaha caalamka ee ay kow ka tahay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururrada kale ee caalamiga ah”
Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay soo dhamaystiraan codsiyada si loogu gudbiyo ururrada ay khusayso waxaanu yidhi. “In hal-milyan oo reer Somaliland ahi ay saxeexooda soo dhamaystiraan, kadibna codsiga aqoonsiga Somaliland loo gudbiyo hay’adaha caalamiga ah”.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay xubnihii Baarlamaanka Ingiriiska ee Westminister keenay qadiyada aqoonsiga Somaliland, waxaanu dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay ka baaqsato hor istaaga dadaalada aqoonsi raadinta Somaliland.