Xisbiyadda UK Way Ka Midaysnaayeen Dooda Ictiraafka Somaliland” Marwo Rooda Maxamuud Karaani- Waraysi

0
357

London (Dawan)- Marwo Rooda Maxamuud Karaani ayaa sheegtay in xildhibaanada saddexda xisbi ee xukuumada Ingiriiska ku jira u mideysnaayeen taageerida qadiyadda ictiraafka Somaliland, iyagoo sheegay in Ingiriisku maanta u baahan yahay Somaliland, muhiimna tahay inuu ku dhiiranno aqoonsiga Somaliland, doodii shalay ka dhacday baarlamaanka Ingiriiska-na ay muhiimad weyn u leedahay Somaliland, maadama 18 sannadood ka dib tahay markii labaad ee dood ku saabsan qadiyadda ictiraafka Somaliland lagaga hadlo baarlamaanka ingiriiska.

Marwo Rooda oo hore Boqoradda Ingiriisku u gudoonsiisay bilad sharaf ayaa sheegtay in markii dalwadda Ingiriisku ka baxday Midowga Yurub ay fursad u heleen sidii ay siyaasadooda arrimaha dibedda si gaar ah ula macaamili lahaayeen dalalka ay xiisaynayaan, taasoo Somaliland ugu horeyso, isla markaana xisbiga muxaafidka talada Ingiriiska haya xilligan aynu ku leenahay saaxiibo badan, marka laga yimaado xildhibaano badan oo xisbiyadda kale ee Ingiriiska ka mid ah.

Marwo Rooda ayaa sheegtay in xildhibaanadii faraha badnaa ee dooda ka qeybgalay dhamaantood carabka ku adkeynayeen “Maanta Ingiriiska u baahan Somaliland, markaa waa inaynu ku dhiiranno aqoonsiga Somaliland” ayey sheegeen.

Mar ay ka jawaabaysay Marwo Rooda waraysi weriye Maxamuud Walaaleye oo wargeyska DAWAN ah ka weydiiyey aragtideeda iyo nooca doodii shalay ahayd ayaa tidhi, “Dooda oo loo yaqaan ‘adjournment” waa nooc tijaabo oo Baarlamaanka Ingiriiska lagu soo bandhigo fikrada laga hadlayo sida ay u haysato taageero, runtiina dooda xildhibaan Gavin Williamson, oo xisbiga muxaafidka ka jeediyey baarlamaanka waxay kasbatay taageeradda dhamaan xisbiyada dalka Ingiriiska ka jira xildhibaano ka tirsan.

Rooda oo la weydiiyey sababta xukuumada Ingiriisku u siin weyday lacagta hawlgabka (Pension) ciidankii Somaliland ee kala qeybgalay dagaaladii 1aad & 2aad ee aduunka, sida Faransiiska iyo kaalin ururka SAAFI ka qaadan karo ayaa ku jawaabtay, “lacagta hawlgabka laba nooc ayey ahayd, mid ciidankii reer Somaliland ee la midoobay ciidankii koonfur ee Soomaaliya, lacagtoodii waxa INgiriisku xilligii midnimadda ku wareejiyey dawladii Soomaaliya, halkuu ku dambeeyey waa la ogaa.

Waxa jira qeyb kale oo askartii dagaaladii 1aad iyo 2aad ku soo dhaawacantay la siin jiray oo xitaa Hargeysa loogu keeni jiray askartaa, laakiin taasi waxay meesha ka baxday markii dagaaladii dhaceen ee dalka laga qaxay 88-kii.

Waxa jira odeyaal dagaaladii Burma kala qeybqaatay oo badankoodii geeryoodeen, waxaan doonaynaa qaabkii lo abaalmarin lahaa, xukuumad aIngiriiku way doonaysaa inay caawiso, laakiin ma jirto cid dhinaca Somaliland ka socota oo kala hadasha. Askartii Somaliland ku soo noqotay iyo xitaa askartii Ingiriiska ahayd sidii wax loogu qaban lahaa ayaan wadnaa, waa hawl laga daba tegi karo, oo aan aaminsannahay inay wanaagsan tahay in xukuumada Ingiriiska laga abaaro.

Rooda oo Boqorada Ingiriisku ku casuumtay qasriga Boqortooyadda, badhtamahii sannadkii 2019isla markaana la weydiiyey sida casuumada ku timi waxii ay kala kulantay ayaa sheegtay inay filayso shaqada ururkooda SAAFI (Xafiiska Tallo-bixinta & Warfaafinta Somaaliyeed) oo ka shaqeeya arrimo kala duwan, sida kuwa horumarinta bulshada, sidii bulshada Soomaalidu ku dhaqan dalka UK wax ula qabsan lahaayeen sida bulshooyinka ajaanibka ee yimi, hindida, afgaanistaan, afrikaan kale, iyo baadhitaanka taariikhda Soomaalidii u horeysay ee Ingiriiska yimi, iyo ciidamadii soomaalida qeybta ka ahaa dagaaladii 1aad & 2aad, isla markaana markii ay kulmeen ay Boqoradu uga mahadcelisay shaqada ururka SAAFI u qabtaan Soomaalida.

Mar ay ka jawaabaysay halka looga sii dhaqaaqayo doodii shalay, iyo kaalinta laga doonayo xukuumada iyo jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska ku nool ayey ku jawaabay, “Waa muhiim in jaaliyadda Somaliland ee UK lixda bilood ee soo socda halkaa uga sii qaadi lahaayeen geedka soo abqaalay, una sii biyeyn lahaayeen sidii u noqon lahaa mid la hadsado, qadiyaddanu u gaadhi lahayd in dooda ictiraafka madaxbanaanida Somaliland u hortegi lahayd gole-weynaha Baarlamaanka Ingiriiska.

 

 

 

Leave a Reply