Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo  Deeq Biyo ah Gaadhsiiyay Deegaanka Shanshacadde.

0
312

Burco (Dawan)  – Badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo) ayaa deeq biyo ah gaadhsiiyay deegaanka Shanshacadde ee gobolka Togdheer, oo xaalad biyo la’aani ay ka taagnayd.

Badhasaabka oo ay weheliyaan isu’duwaha wasaaradda biyaha ee gobolka Togdheer iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa biyahaasi gaadhsiiyay deegaanka Shanshacadde, kuwaasoo ay guddoomee odayaasha iyo waxgaradka deegaanku.

Ugu horreyn, Isu duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Togdheer Rashiid Faarax Cabdi ayaa uga mahadnaqay xukuumadda dhexe iyo Guddida abaaraha ee Heer Qaran deeqdaasi biyaha ee la gaadhsiiyay dadka ay abaartu saamaysay ee deegaanka Shanshacadde.

Isu duwaha Wasaaradda Horumairnta Biyaha ee gobolka Togdheer waxa uu intaas ku daray in xaalad abaareed oo baahsani ay ka jirto deegaanka Shanshacadde, isagoo ugu baaqay bulshada gobolka Togdheer inay gacmaha isku qabsadaan sidii ay uga bixi lahaayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka reer Miyiga ah ee ay abaartu hayso.

Badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), Maayar ku xigeenka degmada Burco Mukhtaar Cabdi Maxamuud iyo Saleebaan Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa sheegay in wejigii labaad ee gurmadka abaaraha uu yahay deeqdan ay gaadhsiiyeen deegaanka shanshacadde, iyagoo ugu baaqay bulshada inay wada yeeshaan, isla mar ahaantaana ay isku kaashadaan sidii ay isku caawin lahaayeen ee ay gargaar u hor gaadhsiin lahaayeen, dadka baahida deg deg ah u qaba.

Guddoomiyaha degmada Ballidhiig oo deegaanka Shanshacadde hoostago Cali Faarax Dheere oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dawladda dhexe ee Somaliland iyo maamulka gobolka Togdheer, gurmadka biyo dhaamiska ah ee ay lasoo gaadheen, isagoo tilmaamay in abaar baahsani ay dhulka ka jirto, isla markaana ay gabaabsi noqdeen biyihii ay dadka iyo duunyadu ay cabi jireen.

Leave a Reply