Dawladda Hoose oo ee Degmada Sheekh oo Mabnuucday ka ganacsiga Biraha Iska’raabka

0
569

Sheekh (Dawan) – Dawlada hoose ee degmada Sheekh, ayaa mabnuucday ka ganacsiga biraha duuga ah ama iskaraabka loo yaqaano.

Duqa dawladda hoose ee degmada Sheekh, mudane Ismaaciil Xuseen Cali, ayaa bulshaweynta reer Sheekh uga digay iibinta iyo ka ganacsiga biraha iskaraabka noockasta oo ay yihiin, isaga oo sheegay in ciddi amarka dawlada hoose ku joojisay ka hor timaada, ay ku mutaysan doonto ganaax, isla markaana laga qaadi dòono tallaabo shariga waafaqsan.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay barta xidhiidhka bulshada Facebook ee dawlada hoose ee degmada Sheekh waxaanu u dhignaa sidan:

“Duqa degmada Shekh Eng. Ismaacil Xussen Cali, waxa uu ku wargelinayaa dhammaan bulshada degmada Sheekh in laga bilaabo taariikha maanta oo ah 3/2/2021 in la maba’nuucay ka ganacasiga Bir’libaxda ama Iska’raabka, haddaba sidii aad u taqaanan.

Waxaanu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doona cid kasta oo ka ganacasata biraha ama iskaraabka, iyago ku mutaysan doona xadhig iyo ganaax, anagoo ka duulayna waxkasta oo ka hor imanaay harumarka degmada Sheekh.”

Leave a Reply