Hay’adda dhawrista tayada ee gobolka Saaxil oo gubtay 8 koontineer oo badeeco dhacday ah.

0
445

Berbera (Dawan) – Hay’adda dhawrista tayada ee gobolka Saaxil ayaa gubay 8 koontineer oo badeeco dhacday ah.

Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland uga soo warama magaalada Berbera Mukhtaar Cabdiraxaam Maxamuud badeecadaas la gubay ayaa ahayd sigaar dhacay, kaas oo tiradiisu ahayd sideed kun iyo sideed kun oo kortoon, taas oo u dhiganta boqol iyo todoba iyo toban kun oo tan.

Sigaarkan ayaa ayaa ka soo degay dekeda magaalada Berbera, waxaana hawl-galkaas hogaaminaayay maamulka hay’adda dhawrida tayada Somaliland ee gobolka Saaxil, waxaana halkaas hadal ka jeediyay isuduwaha hay’adda dhawrista tayada ee gobolkaas Maxamuud Saleebaan Ducaale oo ganacsatada u soo jeediyay in ay ka waantoobaan badeecadaha dhacay ee ay dalka ganacsi ahaan u keenayaan.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxmed Xasan ayaa u mahad celiyay maamulka dekeda Berbera, masuuliyiinta hay’adda dhawrida tayada iyo laamaha ammaanka ee badeecadaas gacanta ku dhigay, waxaanuu intaa ku daray maamulka gobolku madaxda laamaha kala duwan ee dawlada u jooga gobolka Saaxil ay gacan ka siiyaan sidii ay u gudan lahaayeen hawlaha ay u igman yihiin.

Leave a Reply