Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Hambalyo u diray Ciidamada Militariga Somaliland.

0
203

Hargeysa (Dawan) – Gudoomiyha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Militariga Somaliland, sannad guurada 28aad ee kasoo wareegtay aasaaskooda.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ww UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu ciidamada qaranka Somaliland ku bogaadiyay sida ay uga shaqeeyaan ilaalinta amaanka iyo xasiloonida Somaliland, waxaanuu u soo jeediyay in ay dadaalka halkaas ka sii wadaan.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in dawlad iyo shacaba la sii xaajiyo garab istaaga ciidamada kala duwan ee qaranka, waxaanuu xusay in ciidanka qaranku ku amaanan yihiin sida.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga mucaardka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe wuxuu soo dhaweeyay, bayaankii kasoo baxay wadamada Somaliland ka caawiya, doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, kuwaas uu kulan la yeeshay mar ay dhawaan socdaal shaqo ku yimaadeen Somaliland.

Leave a Reply