Xisbiga KULMIYE oo mucaaradka ku eedeeyay in ay shacabka been u sheegayaan

0
852

Hargeysa (Dawan)  Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa xisbiga WADDANI ku eedeeyay in uu buun buuninayo xaalada sicir bararka, isla markaana uu shacabka kicinayo.

Buuni ayaa ku andacooday in la buun buuninayo xaalada sicir bararka “Shacabka Somaliland halka maanta la gaadhsiinayo ee la siyaasadaynayo ALLE waa ka kor yeelay, dhibaatadooduna ma gaadhsiisna”.

Buuni ayaa xisbiga WADDANI ku eedeeyay in uu siyaasadaynayo xaalada sicir bararka, isla markaana uu ka shaqaynayo shacab kicin.

Waxaanu yidhi.”Xisbiga waxan abaabulay ee isku duba riday, ee warbaahintii xafiisyadooda ka shaqaynaysay dalka uga dhigayeen in wax wayni dalkan ka siyihiin, in gaajo loo dhimanayo, in noloshii dadku ay meel halis ah marayso, waxaas oo dhani waxay ahayd mid uu abaabulay xisbiga WADDANI”

Leave a Reply