Nairobi-(Dawan):-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka ayaa dedaaladiisi iibinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, taageero uga helay xildhibaanada baarlamaanka, gaar ahaa guddi-hoosaadka arrimaha dibedda oo dejiya, saamayna ku leh siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka.” Sidaa waxa lagu sheegay warbixin lagaga hadlay saamaynta socdaalka wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi ee Maraykanka.
Warbixin dheer oo wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya uu daabacay dorraad ayaa lagu bilaabay, “Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa oo todobaadkii u dambeeyey kulamo kala duwan la yeeshay madax badan oo Maraykan ah oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah, Bangiga Adduunka, Taliska Maraykanka ee Afrika, Waaxda Difaaca Maraykanka, Xubno ka tirsan Golaha Guurtida, Xubno ka tirsan Congress-ka, Dublamaasiyiin hore, Hay’adaha/khubaro talooyin iyo fikrado ka bixiya dhibaatooyin siyaasadeed ama dhaqaale iyo marti-sharaf kale.
Masuuliyiinta guddiga arrimaha dibadda ee Maraykanka oo walaac ka muujiyay saamaynta sii kordheysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika, ayaa ku booriyey maamulka Joe Biden, isla markaana warqad ay u direen xoghayaha arrimaha dibadda John Blinken kaga dalbadeen inuu kor u qaado xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland.
“Waxaan u qornay kuna boorinnay Maamulka Biden inay dib u eegaan kordhinta iyo sii wadida xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland arrimaha ku saabsan danaha diblomaasiyadeed, dhaqaalaha iyo amniga,” ayay qoreen xildhibaanadu.
Waxay kaloo intaa ku dareen: “Goobta juquraafi ahaaneed ee Somaliland ee Gacanka Cadmeed, taageerada joogtada ah ee dimuqraadiyadda, iskaashiga ka hortagga argagixisada, budhcad-badeedda, iyo khataraha kale ee amniga ee gobolka, xidhiidhka Taiwan, iyo awoodaha dhaqaale ee sii kordhaya ee Maraykanku u sahamin karo, waa fursado aan la wadaagi karno Somaliland.”
“Dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Geeska Afrika waxay xoojiyeen xasilloonidii liidatay ee gobolka waxayna sii xumeeyeen rajada laga qabo in si nabad ah lagu xalliyo arrimo badan oo gobolka iyo gudaha ah. Iyadoo dagaal sokeeye uu ka socdo Itoobiya, oo ay Eritrea ku lug leedahay; ku soo noqoshada xukunka milatari ee Suudaan; dib u dhac ku yimid doorashooyinka iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee sii hurinaya xasilooni darada sii kordheysa ee Soomaaliya, iyadoo ay jirto dhaqdhaqaaqyada argagixisanimo ee Al-Shabaab; iyo abaartii ugu xumayd ee uu gobolku soo maray in ka badan afartan sano, Maraykanku waa in uu dib uga fikiraa istiraatijiyadayada hawlgelinta si aan wax uga qabanno caqabadahan baaxadda leh iyo khataraha ku wajahan danaha amniga qaranka Mareykanka,” ayaa lagu yidhi warqadda loo diray xukuumada Maraykanka.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in Maraykanku aanu ku koobnaan ‘hal siyaasad oo Soomaaliya’, maamulkuna waa inuu sahamiyaa dhammaan dhinacyada ku hawlan arrimaha gobolka.
Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey xarunta Heritage, usbuucii hore waxuu sheegay in ammaanka Geeska Afrika uu muhiim u yahay Somaliland maadaama oo dalku uu ku yaal badhtamaha gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Madaxweyne Biixi ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in Somaliland laga taageero la dagaalanka kooxaha argagixisada ah. “Dalkayga Somaliland, waxa inta badan loo dabbaal-deggaa dawladnimo shaqaynaysa, xasilloon oo dimuqraadi ah oo ka jirta gobol aan xasilloonayn. Ma rabno inaan noqonno kuwo aan caadi ahayn. Laakiin horumarka dimoqraadiyadeed ee sidan oo kale ah ee qaybtayada adduunku waa naadir,” ayuu yidhi Biixi.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ka celinay argagixisada dhulkeena iyo budhcad badeedda biyaha xeebaheena. Somaliland waxa ay xaq u leedahay in ay ku faanto nabadgelyada, xasiloonida iyo dimuqraadiyada aynu ku naaloonayno, waxaanan ku faraxsanahay in aan sheego, inaan u dabbaaldegnay May 2021, markii aanu dib ugala soo noqonay Soomaaliya 1991-kii, xornimadayadii 30-kii sannadood ka dib. Somaliland hadda waxay ka sii maqan tahay Soomaaliya in ka badan intii aannu ku jirnay midnimadoodii.”
Md. Biixi ayaa ku kalsoon in wada shaqaynta Somaliland iyo Maraykanku ay sii xoogaysan doonto ka dib markii xubno ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ay ku booriyeen maamulka Joe Biden inay kor u qaadaan iskaashiga ay la leeyihiin Somaliland.
“Qodobka muhiimka ah ee aasaaska u ah iskaashigan waa samaynta joogitaan diblomaasiyadeed oo Maraykan ah oo joogto ah Hargeysa. Dhowr waddan – oo ay ku jiraan Itoobiya, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Kenya, Taiwan, Turkiga, iyo UAE – ayaa xafiisyo diblomaasiyadeed ku leh caasimadeena, Maraykankuna waa inuu ku soo biiraa safkooda. Joogitaankan iyo booqashooyinka joogtada ah ee saraakiisha sare ee Mareykanka, waxaan si dhow uga wada shaqeyn doonnaa meelaha muhiimka ah.
Madaxweyne Biixi oo booqasho toban maalmood ah ku jooga dalka Maraykanka, ayaa qorsheynaya inuu dardar geliyo ololaha aqoonsiga caalamiga ah iyo suuqgeynta Somaliland oo ah xarun maalgashi.
Weftiga Somaliland ayaa kaga qayb-galay shir muhiim ah oo lagaga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga oo ka dhacay hay’adda caalamiga ah ee maaliyadda ee IFC. Kulankan waxa ka soo qayb galay maalgashadayaasha Maraykanka iyo ganacsatada Somaliland ee wefdiga xubnaha ka ah.
Weftiga Somaliland waxa kale oo ay la kulmeen saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda Mary Catherine Phee, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika, Ilan Goldenberg, wasaaradda gaashaandhigga, Maura Barry Boyle oo ka socday hay’adda USAID, iyo Amb Andrew Young oo ka tirsan taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika, si loo sahmiyo fursadaha iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta ee danaha labada dhinac.
Somaliland waxay si joogta ah dedaal ugu jirtaa inay ictiraaf caalami ah ka hesho Afrika iyo Yurub. Bishii hore, Aqalka Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka dooday ictiraafka Somaliland.