Noocayada Dhirta Yaabka Leh!

0
236

Waxa dhici karta marka lagu yidhaado geed aya socda inaad markiiba la soo boodo waa been. Maya ha degdegin, wuu jiraa, kaynta kulaalayaasha ka baxda mid kasta dhererkiisu waa 25 mitir.

Kayntani malaha Jirid caadiya sida dhirta kale, Jiridooda ayaa yaab leh way fidaa waxayna  noqdaan kuwo bedela halkii uu markii hore ku yaallay.

 

Dad badan ayaa aaminsan inay si dhab ah u socon karaan dhirtani waxay ku badan tahay dalalka latin America. Dhirtani waxa loo yaqaan (Venus flytrap plant). Sanadkii 1961 ayaa la daah furay ahmiyadda dhirtan iyadoo halkii geed laga jaro oo loo isticmaalo in la wershedeeyo uu haddana ka soo baxayo mid kale. Waxa kale oo cadaatay in sanadkii uu socon karo qiyaas dhan hal mitir.

Aqoonyahan dalka Costrika u dhashay oo cilmiga Biology aqoon u leh ayaa 2005 isaguna ku sameeyay daraasad waxaana uu sheegay in dhirtani jirideedu awoodo inay noqoto mid bedelays goobteeda marka iftiinka cadceedu ku soo dhaco. Qofna ma sheegi karo xikmada dhirtan laakiin waa arin yaab leh.

 

Leave a Reply