Burco-(Dawan) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa magaaladda Burco tababar muhiim ah uga furtay saraakiil ka kala socday Xafiisyada Waaxda Cashuuraha Berriga ee Gobolada SANAAG, SOOL, TOGDHEER Iyo SAAXIL, kaas oo mudo laba maalmood ah halkaasi uga socon doona.
Saraakiishaas ayaa lagu tababari doona Barashada Shuruucda Cashuuraha Gudaha, Hogaansanaanta Cashuur-bixiyaha, xisaab celinta iyo Adeegsiga habka is-wada ee cashuur-bixinta.
Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Togdheer Maxamed Muuse, Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka socday Hay’ada OPM iyo Naasir Adan Maxamed, Agaasime ku xigeenka waaxda xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, oo dhamaantood hadalo ka jeediyeen ayaa saraakiisha tababarku u furmay ku guubaabiyey inay weeleeyaan oo ay ka faa’idaystaan aqoonta loo kordhiyey, isla markaana ay ku dabaqaan shaqada oo xafiisyadoodii kula noqdaan.