Urur siyaasaddeedka Waaberi oo si Rasmiya magaalooyinka Somaliland looga Daahfuray

0
615

Hargeysa (Dawan) Urur siyaasadeed la yidhaahdo Waaberi, ayaa si rasmiya loogaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Shaacinta urur siyaasadeedkaasi oo lagu qabtay Hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale, iyo wefti ka socday magaalada Jij’jiga ee dawlad degaanka Soomaalida.

Qaar ka mida masuuliyiintii iyo siyaasiyiintii ka hadlay munaasibadaasi ayaa soo dhaweeyay urur siyaasadeedkan cusub, waxaanay u rajjeeyeen ururada ugudba darajada xisbinimada marka la qabto doorashada ururada siyaasada, taas oo la filayo in doorashooyinkaasi sannadkan gudihiisa dalka ka dhacaan.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ataash ayaa guud ahaanba bulshaweynta reer Somaliland ka codsaday inay taageeraan urur siyaasadeedkan, isaga oo intaas raaciyay in ururkan ay ku midaysan yihiin ujeedadiisu ay tahay in saxada siyaasada Somaliland iyo horumarkooda kaalintooda ay ka qaataan.

Waxa kale oo munaasibadan isla ururkani lagu shaacinayay lagu qabtay magaalooyinka, Laascaanood, Ceerigaabo, Berbera, Burco iyo Borama, waxaana goobtaasi hadalo ka soo jeediyay madax ka tirsan urur siyaasadeedkaasi iyaga oo ka warbixinayay siyaasadaha ururkani uu ku shaqeyn doono.

Somaliland marka laga yimaado doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13, November waxaa sidookale xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in ay qabanayso doorashadii tartanka urrurada siyaasada, madaama oo ay gaadhay wakhtigii 10 sanno oo kasta la furayay urrurada siyaasada.

Tan ayaa macnaheedu tahay in kadib doorashada urrurada ay soo bixi doonaan 3 xisbi oo cusub, amaba ay dhici karto in ay soo noqdaan xisbiyadii hore ama qaar kamid ahi soo noqdaan qaarna xisbiyo kale badalaan.

Hadaba waxaa jira dad sidookale, ka tagay xisbiyada mucaaradka Somaliland ee hadda oo ay ka tirsanaayeen si ay u furtaan urruro, oo haddii nasiibku la jiro ay u noqdaan madax xisbi, inkasta oo wali xukuumadda iyo mucaaradku aanay ku heshiin xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada urrurada.

Leave a Reply