Hargeysa-(Dawan):- Xildhibaan Jimcaale Axmed Sheekh Cilmi ayaa bulshada guddo iyo dibedba ugu baaqay inay si weyn uga qeybgalaan taakulaynta ganacsatadii hantidooda ku waayey dhibaatadii ka dhacday suuq-ganacsiyeedka Waaheen.
Qoraal Xildhibaan Jimcaale xalay soo gaadhsiiyey wargeyska Dawan, ayaa u dhigaa;
“Waxaan murugada iyo uur-ku-taallada la qaybsanaya dadweynaha Somaliland iyo ganacsatada reer Hargeysa ee hantidooda ku waayay masiibadii dabka.
Halista dabka oo ah masiibooyinka ALLE laga magan-galo, waxaan bulshada ugu baaqayaa inay garab-istaagaan walaalahooda, kana qeybqaataan dedaalada xukuumada iyo Dawladda Hoose ee Caasimadu ugu jiraan wax-u-qabashadooda. Waxaan ALLE uga baryayaa cawil iyo bedel kheyrqaba inuu ugu bedelo”.