Liverpool oo 14 Kulan oo Kaliya u Jirta Taariikh aan Hore uga Dhicin Kubadda Cagta England

0
311

Ka dib guushoodii 3-1 ee ay ku garaaceen Benfica, Liverpool waxay ku dhowdahay inay u soo baxdo semi-finalka Champions League, taasoo ka dhigeysa inay hal talaabo ugu sii dhawaanayso in ay ku guulaysato 4 koob oo aan horay uga dhicin taariikhda kubada cagta England

Liverpool ayaa xili ciyaareedkaan hanatay koobka Carabao Cup, waxaana kooxda Jurgen Klopp ay 14 kulan u jirtaa sidoo kale ku guuleysiga Premier League, Champions League iyo FA Cup waana bartilmaameed ay adagtahay in la gaadho laakiin aan suurtagal ahayn.

Kooxdii ugu dhawayd in ay 4 koob ku guulaysato xilli ciyaareed kaliya waxa ay ahayd Man United kuwaas oo ugu dambayn ku guulaystay 3 koob xilli ciyaareedkii 1988/1999 markaas oo ay ku guulaysteen Premier League, FA Cup & Champions League.

Liverpool ayaa hal dhibic u jirta hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City oo ay la ciyaari doonaan Axada kulan go’aamin kara horyaalka ama saamayn weyn ku yeelan kara.

Sidoo kale Liverpool ayaa 4 kulan u jirta in ay ku guulaysato champions league iyada oo haatan hal lug la gashay Semi-final-ka tartanka champions league kadib markii ay garaacday Benfica.

Isku soo wadabuu Kooxda Liverpool ayaa 14 kulan oo kaliya u jirta in ay samayso taariikh aan hore looga samayn kubada cagta taas oo ah in ay xilli ciyaareed kaliya

Leave a Reply