Ardayga Iyo Dareenka Waxbarasho

0
515

Dugsi sare oo lagu magacaabo HangzhouII  oo ku yaalla dalka Shiinaha ayaa marka 30 ilbidhiqsi la joogaba la baadhaa ardayga wejigiisa. Arintan ayay ku sheegeen mamulayaasha dugsigu inay tahay si loola socdo xaaladda ardayga iyo inuu yahay mid iskii u mashquulsan oo werweraya, iyado haddii ay lulo qabato markiiba ay ka qaadaysaa sawir degdeg ah kamarada baadhistu.

Wargeyska “ Business Insider oo sheekadan daabcay ayaa sheegtay in dalka Shiinaha uu aad uga faafay kamaradaha wejiga qofka qabanaya ee mar kasta la soconaya xaaladaha uu samaynayo. Waxa kale oo qalabakan loo adeegsadaa dhinacyada maktabadaha oo halkii qofku uu aqoonsi kala soo bixi lahaa ay kamaradu si toos u garanaysa oo u ogolaanayso gelidda.

Leave a Reply