Dadka Ugu Caqliga Badan!

0
445

Nin ayaa Nabiga (scw) wuxuu waydiiyay qofka dadka ugu caqliga badan, wuxuu Nabigu (scw) yidhi : “ Dadka had iyo jeer xusuusta geerida oo mar kastana u diyaar garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka ugu caqli badan, waxay la tageen sharaftii aduunyada iyo karaamadii aakhiro” (Ibnu maajah).

Saxaabiga Anas (rc) Ilaahay ha ka raali ahaadee wuxuu yidhi : “waxaan maqlay Rasuulka Allah (scw) oo leh Allah (sw) wuxuu yidhi ( Xadiisal Qudusi):

“Ina Aadamow inta aad ii yeedhaysid oo aad iga rajo qabtid waan kaa dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca, anigoon dan ka galayn badnaantooda iyo xumaantooda, xataa Haddii dambiyadaasi cirka gaadhaan, ka dibna aad i weydiisato dembi-dhaaf  waan kuu dembi dhaafayaa”.

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Rc) inuu yidhi Rasuulkii llaahay (scw) wuxuu yidhi:
“Qofka Islaamka wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha la gelin arrimo aanu shaqa ku laheyn.” Waa xadiis Xasan ah. Waxaa weriyay Tirmidi iyo kuwa kale.

Leave a Reply