Agaasimaha W. Shaqo Gelinta oo ka Warbixiyay Shir ay UN-ka La Yeesheen

0
369

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Cabdirashiid Ibraahim C/raxmaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka saddex bilood laha ah ee ay la yeeshaan haayadaha caalamiga ah.

Shirkaasi ayaa shalay ka qabsoomay xarunta wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ee magaaladda Hargaysa.

Cabdirashiid Ibraahim C/raxmaan, waxa uu ka warbixiyay barnaamijka UPSHIFT oo ay wasaaradda shaqo gelinta iska kaashadaan haayadda UNICEF ka faa’iidaystaan dhaliinyaradda reer Somaliland ee danyarta ah, si ay u noqdaan hal-abuurayaal bulsho.

Lana imanayaa hal abuur ganacsi oo xal u ah caqabadaha haysta bulshada.

Waxaanu sheegay agaasuhu in sanadkii 2019-kii waxa uu ku bilaabmay si tijaabo ah (Pilot Project).

Iyadoona barnaamijkaasi waxyaabo xirfaddo, la talin iyo maal galin uu siiyay dhalinyaro tiradoodu gaadhayso ilaa 300, oo isugu xidhan kooxo bartay waxyaabo kala duwan.

kuwaasoo hal abuur kooda ganacsi loo maal galiyay kaddib markii ay xirfado heleen.

Barnaamijka UPSHIFT waxa dalka ka fuliya haayado caalami ah iyo maxali ah, kaasoo abuuray 38 shirkadood oo ay middiba ku midaysan yihiin 4-5 cubnood oo ka dhisan goboladda Maroodijeex, Togdheer, iyo Awdal.

Sanadaha 2022-ka ilaa 2024-ka baarmijka UPSHIFT ayaa kor loo qaadi doonnaa (Upscaling).

Iyadoo laga hir gelin doonno gobolada Saaxil, Sanaag, Sool, iyo Gabiley.

Waxaan ka faa’iidaysan doonna 250 dhalinyaro ah.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Cabdirashiid Ibraahim C/raxmaan, oo shirkaasi ka hadlay.

Geesta kale, waxaa shirkan shalay ka qayb galay wasaaradda Cadaaladda Somaliland, qaar ka mid ah haayadaha Qaramadda Midoobay ee UNICEF iyo UNSOM, Nagaad, Waapo iyo CLDO.

 

Leave a Reply